Dawlada hoose ee Laascaanood
oo furtay Qaarkamid ah Wadooyinka degmadaasi iyo cabashooyin
ka soo Yeedhaya shacabka Qaarkood
(Laascaanood,
April 28,
2010 Ceegaag Online)
Magaalada Waxa maalmahan kataagnaa Muran xoogan oo u
dhaxeeya Dawlaha hoose ee magaalada laascaanood iyo
Qaarkamid ah Shacabka magaalada laascaanood oo muran kooda
laga dareemayo Guud ahaan degmada laascaanood oo dhan.
Murankaasi ayaa yimid kadib markii dawlada hoose ee
magaalada laascaanood banaysay Qaarkamid ah Wadooyinka mara
gudaha magaalada laascaanood oo sheegay maayarka laascaanood
inay tahay Wadooyinkii degmada, waxna arintaasi wada furista
muran ka keenay Qaarkamid ah shacabka oo iyaguna dhinacooda
ku sheegay inay tahay dhul ay leeyihiin.
Degmada
Laascaanood ayaana arinta ku saabsan dhulka siwayn looga
hadlayaa Waxana maayarka degmada laascaanood uu sheegay inay
furayaan Wado kasta oo dadwayaha reer laascaanood dan u ah,
kana yeelay dadka doonaya in Wadooyinka magaaladu Noqdaan
kuwa gabi ahaan xidhan.
Ugu
danbaytii Muranka ku saabsan dhulka ayaa wali taagan oo gabi
ahaan magaalada laascaanood siwayn looga hadal hayo goobaha
dadku isugu yimaado oo arimahaasi lagu Qaadaa dhigayo
xiliyada lagu jiro fadhi ku dirirka oo ah goobaha maqaayada
ah
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |