Allahayow Damiinkiyo Hadee
Daasadoolaha
(SSCayn,
April 21,
2010 Ceegaag Online)
Maqaalka todobaadkan
waxaan ku falanqaynayaa xaaladda qurba joogta Soomaalida ku
nool wadamada dibadda gaar ahaan kuwa u dhashay gobolada
Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC) iyo kaalinta ay kaga jiraan
xaaladda siyaasadaha ee ka jirta dhulka SSC, taas oo hadal
haynteedu soo badanayso beryahan danbe.
Waxaa in badan soo
noqnoqda dad abaabula ururo magacyo siyaasadeed iyo
horumarineed wata oo markii muddo la joogaba la horyimaado
dadka arrimo ay leeyihiin waxbaanu wax kaga qabanaynaa
dhulkaa ay ka yimaadeen ee SSC. Waxaa jiray ururo
horumarineed oo muddooyin hore aad loo wadwadi jiray iyo
hadda oo ay soo shaac bexeen kuwo isku tilmaamay ururo
siyaasadeed; sida NSUM, Badbaado, Horseed …., oo ay dabada
kaga xidhan yihiin kuwo lagu magacaabay Khusuus…..Isimada
Buura-wadal… Isimada Garoowe…..Xoraynta SSC….IWM
Waxaan maqaalkan
kaga hadlayaa kagana digayaa ururada siyaasadda iyo
“Xoraynta” (waa sida ay ku sheegaane) iyo sida ay saamaynta
ugu yeesheen ama ugu yeelan doonaan dadka qurba lagu xoor
ka, dhulka iyo dadka SSC.
Sida aynu ognahay
waxa qurbaha inagu soo xooray ee wadankeenii baabi’iyey
waxaa ugu weynaa dagaalo siyaasad qabiil lagu abaabulay,
kuwaas oo ilaa maanta dabkoodii ololayo magacii iyo
maamuuskii ummadda Soomaaliyeedna tirtiray. Miyey hadaba
macquul tahay maanta in shakhsiyaad ujeedooyin khaldan lihi
inoo horkacaan dariiqaa lagu hoogay iyo dagaal sokeeye oo
dhulkeena ka bilaabma? Miyaanay wax lala yaabo ahan in
abaabulkaa khaldan ay hormood ka noqdaan dadkeenii ka soo
qaxay dagaaladii iyo dhibaatooyinkii Soomaaliya ka dhacay?
Ma la is weydiiyeyse cawaaqibka ka iman kara? Runtii waa
arrin khatar weyn ku ah dhulka iyo dadka reer SSC oo u
baahan in inta waxgaradka ahi ka hortagto.
Waxaan qabaa
ururadaasi in aanay ahayn kuwo ujeedadooda dhabta ahi tahay
in ay wax u qabtaan ama wax ka qabtaan xaaladaha siyaasadeed,
bulsheed ama dhaqaale ee ka taagan dhulkaa SSC, balse ay
yihiin kuwo ku yimi danaysi gaara iyo caadifad la soo bood
ah oo aan wax sii dheer ahayn. Waxaa inta badan arrimahan
hormood u ah laba kooxood oo lagu tilmaami karo
“Qabqablayaasha Qurbaha” iyo “Qaxwadoonka Gudaha” oo iyagu
had iyo jeer iska kaashada si arrimahaas loogu samayn lahaa
xayaysiin iyo xoola ururin.
Arrinta ururada
siyaasaddu/jabhadayntu runtii waa mid ku cusub mandaqadda
SSC, waase wax hadda in muddo ahba la soo waday oo laga
shaqaynayey ololeheeduna socday, iyadoo marba waji loo
yeelayey. Sida la ogyahay waxa jira dad badan oo Soomaalida
oo dhan ku jira oo aad moodo in khalal maskaxeed uu ka soo
gaadhay dagaaladii dhafanaha ahaa ee sokeeye ee socoday
muddada soddonka sanadood ku dhow. Waxaa aad ugu badan dadka
qurba joogta ah ee ka soo jeeda gobolada SSC dad aan
cuduradaa ka bogsan oo aad weli moodo in ay ku jiraan
dagaaladii dhulkaa ka socday sannadahii sideedtameeyadii.
Waxaa aad ugu abuurmay colaad iyo dad nacayb ku salaysan
qabiil iyo qabyaalad. Waa dadka inta badan looga
faa’iideysto hormoodna ka noqda ololaynta arrimahan colaad
doonka ah…….”Daasadoole”
Waxaa jabhadihii
dawladda Soomaaiya la dagaalami jiray, qaybtana ka qaatay
burburkii dawaladdii iyo waddankii Soomaliyeed, oo ay ka mid
ahaayeen SNM…..SSDF..USC... isticmaali jireen xirfado dadka
ay qabiil ahaan ka soo jeedaan ku soo geliyaan dagaaladoodii
ay wadeen. Waxay aad xoogga u saari jireen in dadka
Soomaaliya dibadda ka jooga ay u sheegaan in dadkoodii la
xasuuqay, xoolahoodii la dhacay, gabdhahoodii la kufsaday,
la barakiciye. dadkoodii xabsiyada ka buuxaan oo iyagoon
waxba geysan lagu xad gudbo…IWM. Sida la ogyahay dadkaasi
waxay noqdeen kuwo maskaxiyan loo baabi’iyey, waxaanad
qurbaha iyo gudaha dalkaba ku arkaysaa dadkaa qaar ka mid ah
oo waalli iyo miyir qab u dhexeya oo meel walba ku nool.
Waxaa ka buuxa nacayb, cuqdad, karaahaysi iyo ka carar dadka
walaalahooda ee kale, waa “Dasadoolayaaha” ku lagu tilmaamo.
Waxay kuwaasi had iyo goor daasado iyo durbaano u qaataan
ololaynta colaadaha beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah.
Arrintan kor aan ku
tilmaamay waxaan uga jeeda uruadan imminka SSC ka soo
unkamayaa waxay isku dayeyaan in ay baal ka soo qaataan
buugtii ururadaa Soomaaliya burburiyay maskaxda kaga doorin
jireen (Brain wash) ummada Soomaaliyeed. Waxaad in badan
arkaysaa dad badan oo dadka SSC u dhashay ah oo xaaladdaa
waalida ah qarka u saaran. Runtii waa arrin aad khatar u ah
gaar ahaan dadka “qurba lagu xoorka ah”, waayo waxay noqdeen
dad wax loo sheego oo wax lagu shubto, iyagoo badankooduna
xog badan aan ka hayn dalkii iyo waxa ka jira, waana kuwa
lagu tilmaami karo “Damiino”. Waxay keentay dad badan oo
xataa aan weligeed Soomaaliya arag in la geliyey
maskaxdoodana laga buuxiyey nacayb dad kale oo walaalahooda
oo muslim oo aan weligeed waxba dhex marin.
Su’aasha hadaba aynu
is weydiinaynaa waa; ma dabkii iyo buruburkii aynu ka soo
cararnay baynu ka sii shidnaa dhulkeenii iyo dadkeenii? Mise
xeelad iyo caqli wanaagsan baynu nabad iyo nolol wanaagan
ugu raadinaa? Miyaynaan ahayn dad Islam ah oo qaata amarada
ilaahay ee ay ka mid yihiin “Isu bahaysta ama isu
gargaarsada wanaag iyo ilaah ka cabsi; Hana isu
gargaarsanina denbi iyo cadawtinimo/colaad ”?
Waxaa hadaba looga
baahan yahay qof kasta oo Muslim ah oo Soomaali ah:
- In aanu ka qayb gelin colaad iyo
cadaawad oo uu ilaahiisa ka cabsado
-
In aanu taageero ka geysan kana qayb gelin meel dad
walaala ah oo muslim ah hub la isugu dhiibayo colaadna la
dhex dhigayo.
-
In uu uga digo dadka walaalihiisa in aanay ka qayb
qaadan munkar kaa
-
In uu u nasteexeeyo kuwa waxaa ku dhex jira ee
dilaaliinta ka ah
-
Inuu ugu duceeya guud ahaan ummadda Soomaaliyeed in
sharkaa laga waantoobo
Ugu danbayntii
waxaan ku soo gunaanadayaa xaaladda siyaasaddeed ee SSC ma
aha mid ay hoggaan u noqon karaan dibad ka yaacayaasha xukun
doon ka ah, waa mid u baahan caqli, miisaan, degenaansho iyo
maskax wanaagsan oo ay ku dheehantahay asluub iyo ilaah ka
cabsi. Ma qabo inay tahay arrin olole colaad abuur iyo
caadifad been ah wax lagaga qaban karo. Waa mid u baahan
dadka dhulka ku nool ee codka loo diiday in ay hoggaanka u
qabtaan. Ummad dhan oo qaran ah oo dalkoodii iyo
degaankoodii ku nool kama hagi karaan dibad fog dad yar oo
danaystayaal ahi oo dariiq khaldan ku wada.
Guud ahaan ummadda
Soomaaliyeed uma baahna maanta colaad huriyaal aan maskax ku
filan lahayn. Waxaa loo baahan yahay waa dad nabad doonayaal
ah oo caqli wanaagsan leh oo dadaal u gala sidii ummadda
Soomaaliyeed ee walaalaha ahi ugu wada noolaan lahaayeen
nabad gelyo iyo walaaltinimo waarta. Horumar waxaa la gaadhi
karaa marka la helo nabad, taas ayaana waajib ah in qof
kasta oo waxgarad ahi ka shaqeeyo kuna dadaalo.
Gaar ahaan ummadda
reer SSC waxay u baahan yihiin horumar, deganaansho, nabad
gelyo iyo wada noolaansho dadka walaalahooda ee ay wax walba
wadaagaan ee derisyadooda ah. Taa ayaana u baahan dadaal iyo
olole lagu sugo laguna xoojiyo.
“ILAAHAYAW NIN IYO CALOOSHII”
Cabdifatax Maxamed
acilmy@yahoo.com
webmaster@ceegaag.com |