Xuska Maalinta Caafimaadka
adduunka oo laga Xusay magaalada Garoowe
(Garoowe,
April 07,
2010 Ceegaag Online)
.
Iyadoo Guud ahaanba Maanta
Caalamka siwayn looga Xusay Maalinta caafimaadka adduunka,
ayaa dhinaca kale Munaasabad balaadhan oo lagu Xusayo
maalinta caafimaadka adduunka lagu Qaytay magaalada garoowe
gaar ahaan xarunta maamulka gobolka nugaal kana soo Qayb
galeen Masuuliyiinta maamulka gobolka nugaal kan degmada iyo
dhamaan marti sharaf kale, sidoo kale Waxaa Munaasabada
maalinta caafimaadka ka soo qayb galay xubo katirsan golaha
wasiirada dawlada puntland oo ay kamid yihiin Wasiirka
caafimaadka Wasiirada haweeenka, wasiiruhu dawlaha maamulka
wanaaga iyo madaxtooyada iyo xubo kale oo kamid ah golaha
wasiirada.
Munaasabadan oo maanta ahayd mid aad u balaadhan ayaa looga
hadlayey maalinta caafimaadka adduunka ayaa lagu soo Qaaday
xaalada caafimaadka dadka kunool gobolada puntland iyo
siyaabaha looga hortagi karo caafimaad darada, waxna kaloo
halkaasi laga soo jeediyey Qaabka ugu haboon ee Wasaarada
Caafimaadka iyo shacabka reer puntland isaga kaashan
lahaayeen inay ka hortagaan Waxyaabaha caafimaadkooda wax u
dhimaya.
Gabo gabadii munaasabadaasi ayaa laga soo Jeediyey in Guud
ahaan gobolada puntland laga joojiyo keenista bacaha iyo
waxyaabaha nafaada wax u dhimaya oo laga hortago, waxna
kaloo Masuuliyiintii halkaasi ka hadashay ay soo Jeediyeen
in maalmaha khamiista ah Guu ahaan gobolada puntland laga
dhaqan galiyo in dadwaynaha kunool gobolada degmooyinka iyo
tuulooyinku sameeyaan maalin nadaafadeed oo ay kaga
hortagayaa wax kasta oo caafimaadkooda wax u dhimanaya
Cali Dhegjar Garoowe
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |