Dawlada Gobeleedka Puntland
oo Maanta ka hadashay dagaalka Cagaare baaqna ka soo saartay
(Garoowe,
April 17,
2010 Ceegaag Online)
Wasiirka Wasaarada
Warfaafinta ee dawlada Puntland ayaa maanta markii ugu
horaysay ka hadlay Colaada haatan ka soo Cusboonaatay
deegaanka Cagaare oo dhawaan laba beeleed oo deegaankaasi
wada dega dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac uu mar kale ku
dhexmaray haatana laga soo sheegayo in Xiisad Colaadeed
kataagan tahay.
Wasiirka Warfaafinta dawlada Puntland oo Maanta saxafiinta
kula hadlayey Xafiiskiisa magaalada Garoowe ayaa ugu baaqay
dhinacyada Walaala ah inay dagaalka joojiyaan yimaadana
Miiska Wada hadalka, loona baahan yahay in Xabada laga daayo
dadka shacabka ah ee wada dega labada dhinacba.
Wasiirka Wasaarada warfaafinta isgaadhisiinta hidaha iyo
dhaqanka Cabdi Xakiin axmed guuleed ayaa intaasi Raaciyey in
Dawlada puntland aad ugu xuntay in dagaalkaasi mar kale
dhexmaro labo Beeleed oo ka soo Wada Jeeda deegaanka
puntland waxna wasiirku sheegay inay Wadaan Xidhiidho ay la
sameeyeen Waxgaradka labada dhinac oo ku aadan sidii
Colaadaasi loo soo afjari lahaa.
Ali dhagjar
Ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |