Madaxda Dawladda Federaalka
oo si wadajir ah usoo saaray Warmurtiyeed
(Muqdisho, April
30,
2010 Ceegaag Online)
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed,
Guddoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Sheikh Aden Maxamed Nuur
iyo Ras’iisul Wasaaraha Xukuuadda FKMG, Mudane Cumar
Cabdirashiid Cali-Sharmaarke waxay mahad ballaaran u soo
jeeddinayaan dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee
Jabuuti, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo ergeyga
Madaxweynha Jabuuti ahna Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha
Islaamka ee dalka Jabuuti Mudane Xaamud Cabdi Suldaan oo
gacan weyn nagu siiyey xallinta khilaafka baarlamaanka soo
dhex-galay.
Madaxda Qaranku waxa ay ku midaysan yihiin dareenka ah in
dhammaan hay’adaha dastuuriga ah iyo xubnaha Baarlamaankuba
ay ku dadaalaan hir-gelinta waajibaadka qaran ee loo wada
dhaartay.
Madaxda Qaranku waxay gar-waaqsan yihiin in sii socoshada
khilaafka soo dhexgalay baarlamaanka aysan xamili karrin
hay’adaha curdanka ah ee dastuuriga ah ee DFKM iyo shacabka
Soomaaliyeedba.
Sidaas darteed ayay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka
iyo Ra’iisul Wasaaruhu u go’aansadeen in ay u caddeeyaan
shacabka Soomaaliyeed, mudanayaasha Baarlamaanka, xubnaha
golaha Wasiirada iyo bulshada caalamka, gaar ahaan
saaxiibada Soomaaliya, in masuuliyiinta sare ee Qaranka
Soomaaliyeed ay midaysan yihiin, una taagan yihiin in ay ku
shaqeeyaan kana mira dhaliyaan mabaadiiddii iyo
himilooyinkii loo soo dhisay DFKM.
Madaxda sare ee Qaranku:
1. Waxay isla garteen in khilaafka lagu xalliyo si waafaqsan
sharciga iyo maslaxadda Qaranka,
2. Waxay isla garteen in baarlamaanku uu bilaabo
fadhiyadiisa caadiga ah, si uu u guto waajibaadka horyaalla,
3. Waxay ballan-qaadaysaa xukuumaddu in ay gacan ku siiso
baarlamaanka sidii uu u gudan lahaa hawlihiisa,
4. Waxay adkaynayaan in ay lagama maarmaan tahay xoojinta
wada shaqaynta xukuumadda iyo baarlamaanka,
Sidoo kale, masuuliyiinta Qaranku, waxay ballan-qaadayaan in
loo xaliyo wixii ka dhashay khilafka si ay ku jirto
niyad-sami iyo masuuliyad.
Madaxda Qaranku waxay uga mahad-naqayaan mudanaayasha
baarlamaanka duruufihii adkaa ee ay ku shaqeeyeen iyo
gacanta ay ka geysanayaan xallinta khilaafka, waxaanna ugu
baaqaynaa in ay sii laban laabaan dadaalka si marxaladdaan
adag looga gudbo.
Mar labaad, waxaan si weyn ugu mahad naqaynaa Mudane Xaamud
Cabdi Suldaan oo kaalin aad weyn ka geystey is-fahamkii la
gaaray.
Sharif Sheekh Axmed
Madaxweynaha Soomaaliya
Cumar Cabdirashid Cali-Sharmaarke
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya
Sheekh
Aden Maxamed Nuur
Guddoomiyaha Baarlamaanka
Muqdisho, Soomaaliya, Jimce, April 30, 2010
webmaster@ceegaag.com |