Olole nadaafadeed oo ka
bilaabmay buuhoodle.
(Buuhoodle,
April 26,
2010 Ceegaag Online)
Waxaa maanta
magaalada buuhoodle ka bilaabay olole nadaafadeed ururka
dhalinyarada ee SYDO ee saldhigiisu yahay magaalada
buuhoodle, waxana ololahaas nadaafadeed ururkaasi sameeyeen
kadib markii xaafadaha iyo wadooyinka magaalada ay buux
dhaafsheen biyo aad u fara badan oo ka dhashay roobabkii
lixaadka lahaa ee ka da’ayey magaaladaasi,
Gudoomiyaha
ururka dhalinyarada ee SYDO Khader cali cawil ayaa u sheegay
ceegaag.com kadib markii ay arkeen nadaafad darada ay u
keeneen biyahaasi magaalada ololahaas nadaafadeed oo ay ka
bilaabeen magaalada kuna guuleysteen inay nadiifiyaan
dhamaan magaalada oo idil.
Maaha markii
ugu horeysay oo ay ururkani dhalinyarada ah ee sydo
organization ay ka fuliyaan olole nadaafadeed gudaha
magaalada buuhoodle, waxana kaloo aya dayactir ku sameeyeen
cusbitaalka guud ee buuhoodle iyagoona waxbarasho bilaash ah
u dhiga qaar kamid ah dadka kasoo barakacay koonfurta
soomaaliya, ee iyagu aan helin fursado wax barasho sida uu
noo sheegay xoghayaha ururkaasi Maxamed Cabdiqadir Axmed
waxana uu intaas raaciyey inay sii wadi doonaan howlaha
bulshada ay u qabtaan….
Cali Dhagjar
Laascaanod
webmaster@ceegaag.com |