Roobab lixaad leh oo ka da'ay
Degmada Ceegaag, iyo Gobolka Sool, Buuhoodlena u geystay
fatahaado..
(Gobolada SSC,
April 25,
2010 Ceegaag Online)
Gudoomiyaha
degmada Ceegaag Cabdi Xaaji Cali Cilmi oo saaka qadka
taleefoonka degmada ceegaag ugu waramayey shabakada wararka
ceegaag.com ayaa sheegay in roobab lixaad leh oo 10
saacadood oo si isdaba joog ah ugu da'ayey guud ahaanba
degaankaas ceegaag.
Gudoomiyaha
Ceegaag ayaa sidoo kale noo sheegay in deegaanada hoos
yimaada Degmada ceegaag ay gabi ahaantoodba ay buux dhaafeen
sida baraagaha, ceelasha biyaha, baliyada iyo goobaha kale
oo biyo fariisadka ah.
sidoo kale
wararka naga
soo gaaraya magaalada buuhoodle ayaa ku soo waramaya in
roobab fataahado gaystay ay gobolkaas ka da'een ka dib
markii mawjado biyo ah ay kusoo rogmadeen xaafadaha dhinaca
waqooyiga buuhoodle biyahaas oo ka soo rogmaday baliga
shangalle, waxaana taasi ay keentay inay xaafado badan ay
biyuhu galaan,
Guud ahaanba
deegaanada hawdka buuhoodle ayaa iyana dhankooda lagasoo
sheegayaa in ay heleen roobab mahiigaan ah waxaana gabi
ahaanba buux dhaafay degmooyinka,tuulooyinka iyo deegaanada
miyiga oo iyana laga soo sheegayo inay roobab lixaad leh ay
heleen.
Isku soo wada
duub oo guud ahaanba Gobolada sool,sanaag iyo cayn-(SSC)
waxaa dhamaantood ka wada curtay roobabkii guga ee sanadkan
mana jiraan meel raxmada ilaahay ay ka madhan tahay ee
deegaanadaas aan soo xusnay...
Dhinaca kale
Guud
ahaanba gobolka sool ayaa saaka waaberigii waxaa ka curtay
roobab mahiigaan ah roobabkaas oo deegaanada qaarkood ka
da’ayey saacado farabadan oo xidhay inta badan ganacsiga
iyo isu socodka magaalooyinka gobolka sool waxaana wararka
naga soo gaadhaya degmooyinka gobolka sool ay sheegayaan
iyana inay ka da’ayeen roobab xoogag leh iyo tuulooyinka
hoos yimaadaba,
Waxaana hada
soo baxaya warar sheegaya in tuulada Karin dabeylweyn
nawaaxigeeda oo dhinaca koonfureed kaga aadan magaalada
laascaanood uu danab ku dhacay isla markaan uu halkaas ku
dilay hal qof mid kalena uu ku dhaawacay,
Dhinaca
kalena waxaa iyana jirta danab ku dhacay magaalada
laascaanood gaar ahaan shirkada korontada magaalada ee marka
magaceeda lasoo gaabiyo LESCO in kastoo uusan khasaare
buuran u gaysan shirkadaas, isla magaalada waxaa kusoo
rogmaday daadad fara badan oo ka dhashay raxamaadkaas guga
ah ee maanta si rasmi ah uga curtay guud ahaan gobolka sool
iyo nawaaxigiisa.
Ugu danbaytii
raxmaadka sanadka ayaa guud6 ahaabna dadka iyo duunyaduba
aad ugu diirsadeen, waxaana roobabkani gobolkani ka curteen
xili abaaro iyo biyo la,aani kataagnayd nawaaxiga gobolka
sool oo dhan.
Cali
dhagjar
Ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |