Shirkii Buurawadal oo
dhamaaday maxaa uu ku dhamaaday? maxaase ka soo baxay
Warbixin kooban
(Cagaare, April
11,
2010 Ceegaag Online)
In mudo ah Waxaa magaalada Buurawadal oo magaalada garoowe
dhinaca Waqooyiga kaga beegan shir uga socday Isimada SSC
Shirkaasi oo intii uu socday lagu soo xulay xubaha golaha
khusuusiga oo Isimadu ka soo Xuleen beelaha ay ka soo
Jeedaan oo lagu dhaariyey madasha magaalada buurawal.
Maxaa la kulmay intii shirku uu magaalada buurawadal ka
socday oo caqabadaha oo shirkaasi hakiyey?
Shirkaasi ayaa intii uu magaalada buurawadal ka socday Waxaa
ka hor yimid Caqabado Waxaana kamid ahaa in Garaad C/laahi
garaad soofe oo ah garaadka Guud ee Beesha axmed garaad ay
kalsoonidii kala laabteen kadib markii garaadka khilaaf soo
kala dhex galay Qaarkamid ah Isimada magaalada buurawal
xiligaasi ku sugnaa, taasina Waxay keentay in gabi ahaan
shirku uu yaraado kalsoonidii laga Qabay waxna kaloo
kalsoonida shirkaasi kala laabtay dhamaan Cuqaasha Beesha
axmed garaad oo iyagu dib ugu laabtay magaalada buuhoodle.
Sidoo kale Waxaa shirkaasi ka baxay Qaarkamid ah Isimada ssc
oo ay kamid yihiin garaad saleenbaan buraale suldaan siciid
cismaan cali iyo garaad mashqare oo aan dib ugu laaban
magaalada buurawal, waxna kaloo shirkaasi aan iyana gogosha
aan lagu arag garaad C/salaan iyo Xubno kamid ah Isimada
Qaarkood oo Diiday in magacooda saxaafada laga shaaciyo.
Maxaa hadaba ka soo Baxay shirka Buurawal oo
lagu soo Xidhay
magaalada buurawal?
Ceegaag.com ayaa booqasho gaaban ku tagtay magaalada
buurawal waxa aana isku dayey inaan ogaado waxyaabaha dhabta
ah ee ka soo baxay shirkii buurawal Qaarkamid ah isimada
ayaa Ceegaag.com u sheegay in shirku dhamaaday wax aana
waydiiyey inay faah faahin ka bixiyaan waxyaabaha shirkaasi
ka soo baxay? Mid kamid ah Isimada ayaa Ceegaag.com u
sheegay inay shirkaasi lagu soo Xidhay in deegaanada SSC
Laga aruuriyo Ciidamo lagu soo Celinayo gacanta gobolkaasi
sool oo in mudo ah Ciidamada somaliland gacanta kuhayeen,
wax kaloo aan waydiiyey inay jiraan waxyaaba kale oo
shirkaasi ka soo baxay wax uuna ii sheegay inaanay jirin.
Ugu danbaytii su,aasha lays waydiinayaa ayaa Waxay tahay
sidee Ciidan looga Helayaan bulshada dhexdeeda xili Isimada
khilaaf xoogan ku kala dhex jiro shirka buurawadalna guul u
gaadhi karaan Mise ka duwan yahay shirarkii hore?
Waxaa inta badan la oghaya in Isimada Khilaaf xoogan ku kala
dhexjiro khilaaf kaasi oo haatab gaadhay meeshii ugu
saraysay kadib markii Qaarkamid ah isimadu dhaar ku mareen
inaanay dib ugu laaban magaalada buurawal, inta badan
Isimaduna Heshiis la galeen dhinaca dawlada puntland oo
iyadu balan Qaaday inay Laascaanood dib gacanteeda ugu soo
Celinayaan, shirkani kama duwan shirarkii hore sidaasi
Waxaa hoosta ka xariiqay Qaarkamid ah dadka la socday
arimaha siyaasada ssc oo sheegay inaanu shirkani wax wayn
soo kordhin dooni sababtoo ah iyadoo isimada laf ahaantoodu
khilaaf xoogani ku kala dhexjiro iyo Hogaanka laf ahaantiisa
oo Beesha Qaarkood ka biyo Diid san yihiin
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buurawal
webmaster@ceegaag.com |