Wadooyinka magaalada Boosaaso
oo lagu aasay Miinooyinka iyo waxyaabaha Qarxa iyo Ciidamada
booliska oo ku guulaystay inay banaanka soo dhigaan.
(Boosaaso, April
20,
2010 Ceegaag Online)
Ciidama
amaanka magaalada Boosaaso ayaa maanta fashiliyey Qaraxmiino
oo lagu aasay Qaarkamid ah Wadooyinka magaalada boosaaso
gaar ahaan wadooyinka ay adeegsadaan Qaarkamid ah Xubnaha
dawlada iyo saraakiish amaanka magaalada boosaaso oo la
dhigay Wado marta bartamaha magaalada Boosaaso.
Ciidamada
booliska ee puntland ayaa maanta soo saaray waxyaabaha qarxa
oo lagu aasay waddo halbawle u ah magaalada Bossaso ee
xarunta ganacsiga Puntland, ka dib markii uu qof shacab la
xiriiray ciidamada booliska kaasi oo arkayey markii walxahan
la aasayey kadiba wacay laamaha amaanka magaalada boosaaso,
oo iyagu halkaasi markiiba soo gaadhay.
Wasiirka
Aminga puntland Yuusuf Axmed Kheyr oo saxafiyiinta magaalada
Boosaaso kula hadlaya ayaa sheegay in mid kamid ah shacabka
magaalada boosaaso ku wargaliyey laamaha amaanka in
Waxyaabaha Qarxa lagu aasay wada, kadibna halkaasi boolisku
gaadheen soona saareen waxyaabihii lagu aasay wadooyinka
Qaarkood oo la doonayey in lagu khaarajiyo shacabka iyo
Qaarkamid ah Madaxda puntland.
Cali
Dhagjar
Garoowe
webmaster@ceegaag.com |