Warar dheeraad ah oo ka soo
baxaya dil xalay magaalada Boosaaso ka dhacay iyo amaanka
gobolaasi oo noqday Tusbax afka laga furay
(Boosaaso,
April 17,
2010 Ceegaag Online)
Faah faahin dheeraad ah
ayaa maanta ka soo baxaysa Muwaadin ka soo Jeeda deegaanada
SSC oo habeenimadii xalayto lagu dilay magaalada Boosaaso ee
xarunta gobolkaasi Bari, Ceegaag.com ayaa maanta taleefoonka
magaalada boosaaso kula Xidhiidhay Qaarkamid ah ganacsatada
ka soo Jeeda SSC oo iyagu magaalada Boosaaso ku leh ganacsi.
Ceegaag.com ayaa Waydiisay sabaha keenay dilka Cabdi Maxamed
Faarax oo xalay lagu dilay bartamaha magaalada Boosaaso
waxna mid kamid ah ganacsatada oo diiday in magaciisa
saxaafada laga shaaciyo u sheegay Ceegaag.com in nin
hubaysan doonayey inuu khaarajiyo nin kale oo xiligaasi ku
sugnaa bartamaha magaalada Boosaaso, kadibna rasaas ku furay
isagoo istimaalaya baastoolada uu ganacta ku Waday, Waxana
kadib dhacay in Ciidama amaanka magaalada Boosaaso halkaasi
soo gaadhaan kadibna rasaas xoogani halkaasi ka fureen taasi
oo keentay in Marxuunku halkaasi ku dhinto.
Guud ahaanba amaanka magaalada Boosaaso ayaa noqday
todobaadka mid aad looga darinayo waxana Ciidama amaanka
magaalada Boosaaso ku mashquulsan yihiin sugida amaanka
magaalada oo noqday tusbax afka laga furay, oo habeenkasta
lagu dilo Qaarkamid ah shacabka magaalada boosaaso.
Ali dhagjar
Ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |