Xaflad qalinjabin ah oo si
heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay hoolka
shirarka ee dugsiga sare ee laascaanood(Muuse Yuusuf
Secondary)
(Laascaanood,
April 08,
2010 Ceegaag Online)
Xaflad si heer sare ah loo soo
agaasimay ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee dugsiga sare
ee laascaanood(Muuse Yuusuf Secondary) Xafladan ayaa ahayd
mid shahaadooyin lagu siinayey arday ka qalin jabisay
maxadka barashadda computerka ee KasrmoNet Collage Of
Computers ee magaalada Laascaanood.
Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb
galay Bulshada Noocyadeeda kala duwan.
Ardayda shahaadooyinka
qaadanayey ayaa tiradooodu gaadhaysey 86 arday oo iskugu
jira wiilal iyo gabdho,
Xafladan ayaa waxaa goobjoog ka
ahaa Culimo awdiin,Macalimiin,waalidiinta ardayda
shahaadooyinka qaadanayey iyo qurbo joog u dhalatay gobolka
sool.
Xaflada ayaa ku bilaabmatay jawi
aad u heer sareeya waxaana ugu horayna sida sharciga
islaamku dhigayo lagu furay aayadaha quraanka kariimka,
sidoo kalena laga soo jeediyey wacdiyo iyo xadiisyo
dhamaantood ka wada hadlaya barashada cilmiga, iyo xumaanta
juhliga iyo weliba faraqa u dhexeeya qof cilmi leh iyo mid
aan waxba aqoon.
Marti sharaftii ka hadashay
xafladan waxaa kamid ahaa Sheikh Axmed Maxamuud Saleebaan
oo ah sheikh wayn oo si wayn looga qadariyo magaalada
laascaanood sheikhu wuxuu ku dheeraaday barashada cilmiga
iyo dhibaatada uu leeyahay juhliigu.
Waxaa kaloo isna xafladii qalin
jebinta ka hadlay Eng C/samed Axmed Dabayl oo ah Baraha
Maxadka KasmoNet Collage of Computer’s Macalin c.samed wuxuu
war bixin ka bixiyey qaabka maxadka uu macalinka ka yahay
wax lagaga barto iyo sida uu u jeclaan lahaa in kuwo lamid
ah Kan uu dhigo Waa KasmoNet laga furo magaalada
laascaanood isagoo sheegay in bulsha waynta ku dhaqan
gobolka sool ee danaysa barashada compuerku ay badantahay.
Ayna fiicnaan lahayd inay jiraan iskuulo kale oo
kiisa lamida.
Maxamuud caamir waa Qurbo
joog(Diaspora) u dhashay gobolka Sool in mudi ahna ku sugnaa
gudaha somaliya wuxuu ina caamir sheegay in waxbarashadu
aysan ahayn wax sahlan qofwalbana aqoonta uu barto uu ku
meel tagayo aqoontuna ay tahay waxa kaliya ee qofka raaca
meelkasta uu tago inta uu noolyahay, isagoo tusaale u soo
qaatay soomaali badan oo cilmigooda ku jooga meelo badan oo
caalamka kamid ah isagoo sheegay In qaar kamid ah ay
caalamka ka yihiin dad si wayn looga qadariyo.
Sarkaal Ka tirsan Ciidamada
Police’ka ee G/sool C/salaam Caydiid Cumar iyo Sheikh Yuusuf
Haybe oo kamid ahaa kasoo qayb galayaashii xaflada ayaa
yaguna ku dheeraaday qiimaha waxbarashadu leedahay yagoo
labaduba sheegay in aysan aqoontu aanay lahayn wax xaduud ah
yagoo ardayda qalin jabinayana ku booriyey nin macalinkoodu
uu siiyey fure laakiin aanay dhamayn wax barashadii.
Sarkaal C.salaan ayaa tusaale u
soo qaatay in gabdhaha reer
sudan ay nimanka ay guursanayaan raga ay shuruud ku
xidhaan taas oo ah shahaado ma wadataa,diinta ma taqaan.
Isku soo wada duuboo Waa
Dufcadii 3aad ee ka qalan jabisa KasmoNet College of
Computer,xafladii qalin jabintu ayaa kusoo gaba gabowday
jawi heer sare ah.
Daawo
Sawiradii
Wariye Cabdiraxmaan Cabdisamed
Axmed
Qanciye_ciise@hotmail.com
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |