Dhagaysiga Dacwadii Kalshaale oo gashay Maalintii
Saddexaad iyo Beesha Buuhoodle oo Heshay Markhaatiyadii inay
leeyihiin Kalshaale
(Maygaagle,
December 07,
2010 Ceegaag Online)
Dacwadii ka socotay Deegaanka Maygaagle ayaa Maanta gashay
Maalintii Saddexaadi Waxana Culumadii Hogaaminaysay
Dacwadaasi Maanta Waydiiyeen inay labada Beelood Maxkamada
u soo bandhigaan Mulkiyada Baliga kalshaale ay labada
Beelood ku Doodayaan inay labaduna sheeganayaa inay
leeyihiin Baliga kalshaale oo Labada Ardaa ku muran san
yihiin.
Dhinaca Buuhoodle ayaana Culumada u Yeedhay inay Maxkamada
ka sheegaan Sabaha ay Beesha Buuhoodle ku Mulkiyada Baliga
Kalshaale Waxana goobta faah faahin kaga bixiyey Wakiil u
Dacwaha Buuhoodle oo Akhiriyey sabaha Beesha Buuhoodle u
leedahay Baliga Kalshaale..
1 in Baliga Kalshaale oo Baliga Kale ee hagoogane u jiro 3
km oo kaliya Beesha Buuhoodlena Diiday in Hagoogane ay ka
sameeyaan Deegaan Cusub mudo ka hor sababtoo ah iyagoo
iska leh Baliga kalshaale oo Xooluhu u daaqaan.
2 in Baliga kalshaale u jiro Maygaagle Geel Daaq kana Mid
yahay Deegaanka Buuhoodle
3 in Baliga Kalshaale ay ku leeyihiin Ceelal soo jireen ah
oo Qadiim ah isla Markaana Beesha Buuhoodle Haysato
Markhaatiyadii oo goobta la keenay, intaskoo Culumadu
diiday in labada Beelood aanay Waydiinay Wax Markhaati ah,
Hadana Waxa Beesha Buuhoodle Nasiib u heshay Caaqil Ismail
Warsame Shabeele( Ismail Madoobe)ka hor sheegay in
Dhulbahante lahaan jiray Baliga kalshaale ilaa 1962
Xiligaasi oo Reerkiisu yaalay Duleedka Baliga Kalshaale
Markhaatigaasina Culumadii ay halkaasi ku Aqbaleen.
4 in horay Beesha Bariga Burco looga aasay Baliga
kalshaale Sanadkii 1995 Xiligaasi oo Labada Beelood ay ku
heshiiyeen iyagoona Xiligaasi Heshiiskii ku Cadeeyey in
aanay Qoday Baliga kalshaale haatan Bilaabeen Qoditaankani
Cusub, Dhinaca Burco ayaa Wakiil u Dacwihii Waayey inuu
faah faahinka bixiyo Mulkiyada inay leeyihiin Baliga
kalshaale Waxayna kaliyoo Dacwadoodii ku soo koobeen in
Beesha Buuhoodle ay jabisay heshiiskaasi lagu gaadhay
Baliga kalshaale Sanadkii 1995 ayna Deegaano Beesha
Buuhoodle ka Qodeen Deegaanada Galgal Qaydarka iyo
Deegaano kale Waxayna Hogaamiya Maxkamadu goobta ka
sheegay in aan laga Hadli karin Gal gal iyo Qaydarka
Dacwaduna ku kooban tahay oo Kaliya Baliga Kalshaale.
Ugu danbaytiina Waxaa Sh Cismaan Cali Xuseen oo ah
Gudoomiyaha Dacwad hogaamiyuhu goobta ka sheegay inay
Dacwadu Xidhantahay Labada Beelood Barito dib ugu soo
laabtaan Maxkamada Dacwaduna haatan ay Marayso Heerkii ugu
danbeeyey laguna Wado in Go'aamada lagu dhawaaqo Barito
Galinka hore....
Cali Dhagjar
Ceegaag,com
Maygaagle
webmaster@ceegaag.com |