Annaga oo ah
waxgarad Soomaaliyeed oo u dhashay gobolada SSC kuna kala
nool daafaha adduunka, waxaanu ugu horayn ka xunahay
dhibaatadii ka dhacday baliga Kalshaale ee keentay
isku dhaca dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed. Waxaanu tacsi
u diraynaa eheladii iyo qaraabaddii dadkii ku geeryooday
shaqaaqadaa anaga oo ilaahay uga baryayna in iyagana u
naxariistu eheladoodiina samir iyo iimaan ka siiyo …Aamiin.
Waxaanu ugu
baaqaynaa beelaha Buuhoodle iyo Qurilugud in
ay isu samraan dhibaatadaa dhacdayna si nabad gelyo ah xal
ugu raadiyaan. Waxaanu beelaha u sheegaynaa in Kalshaale
dhiig danbe oo ku dataa uu taariikhda labada beelood ku
reebi doono dullinimo iyo magacxumo taariikhda u gala iyagoo
horay uga heshiiyay dagaallo ka xun kana khasaaro badan kan
hadda ka dhacay Kalshaale.
Waxaanu
beelaha Habrjeclo iyo Dhulbahante ka
codsanaynaa in si islaanimo iyo maskax wanaagsana ugu
dadaalaan in aan beelaha walaalaha ahi isku dhicin, isuna
geysan dhager cawaaqib xumo dheer oo if iyo aakhiraba
yeelata. Waxaanu u sheegayanaa in aan dagaal sokeeye liibaan
iyo guul midna keenin, waxase uu keenaa ay tahay dhimasho
iyo burbur aan mddo dheer laga soo waaqsan.
Waxaanu ku
waaninaynaa kuwa labada dhinacba ah ee afuufaya dabka ay
doonayaan in ay ka dhex shidaan labada beelood ee walaalaha
ah in ay ka waantoobaan fidnada ay hurinayaan. Waxaanu kula
talinaynaa dadka sharka ololaynaya in ay dhaqaalaha iyo
xoogga ay ku abaabulayaan dagaalka sokeeye ay geliyaan
horumarinta iyo nabadaynta dhulkaa ay dadkaa Soomliyeed
kuwada nool yihiin.
Waxaanu
maamulada Somaliland iyo Puntland ku boorinaynaa in ay qayb
weyn ka qaataan qaboojinta xiisaddan labada beelood kuna
dadaalaan isu soo dhowaanshaha iyo nabad gelyada dhulkaa
dadka walaalaha ahi ku wada noolyihiin.
Ugu danbayntii
waxaanu ilaahay uga baryaynaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed
meel kasta oo ay joogto in caqli wanaagsan iyo cibaado
saalaxa oo tusta nabadgelyada iyo wada noolaanshaha
walaalahooda Soomaaliyeed.