Kadib Markii Maalintii shalayto garoonka diyaaradaha ee
caalamiga ah ee Egal International Airport ee magaalada
Hargysa ay soo Cago dhigatay Diyaarad Xamuul ah oo ka
soo kacday dalka Ugaandha waxa ay sidaa, dirayska
ciidmada, qalabka xabada celiya ee la gashado, qalabka
isgaadhsiinta ee malatariga oo casri ah iyo qalabyo kale
oo malatari gaar ahaan Kuwa Miinooyinka looga saaro
Dhulka Hoostiisa.
Diyaaradaasi ayaana Maalintii Labaad ku xanimay Garoonka
Diyaaradaha ee Magaalada Hargaysa Waxana Masuuliyiinta
Maamulka somaliland oo la Hadlay saxaafada ay sheegee in
Qalabkaasi Milatari loo Waday Dhinaca Puntland oo
Mudooyinka laga Waday is Hubay ayuu sheegay Wasiirka
Arimaha Gudaha ee Maamulka Somaliland oo Wariyaasha la
Hadlay.
Dhinaca Kale Puntland ayaan ka Hadlin Diyaaradani ku soo
Jeeday dhinaca Puntland ee Qalabkani Milatariga u Watay,
Balse Shabakada Wararka Ceegaag.com oo Xidhiidho Dhinaca
Talefoonka ah la samaysay Masuuliyiin katirsan puntland
ayaa ku Tilmaamay Qalabkaasi Milatari kuwo loo Waday
Ciidamada Bada ee Puntland oo dhawaan tababar loo soo
Xidhay, Qalabkaasina yahay Dariska Ciidanka iyo
Camarooyin oo Kaliya, ka hadalkeenuna u yaalo Shirkadii
Qalabkaasi Lahayd............