Doodii Dacwada Labada Beelood oo saaka ka Bilaabantay
Madasha shirka Maygaagle
(Maygaagle,
December 05,
2010 Ceegaag Online)
Madasha shirku uu ka soconayo ee Deegaanka Maygaagle Waxa
Maanta Galinkii hore ka bilaabantay Dacwadii ay halkaasi
ka soo Jeedinayeen labadii beelood ee dhawaan ku
dagaalamay Baliga kalshaale Waxan Doodii halkaasi ay ka
soo Jeeiyeen dhagaysanayey Culumo loo Xilsaaray inay
shareecada Islaamka ay ku kala saaraan labadaasi beelood
ee deegaankaasi Maygaagle ku muransan oo dagaal sababay
dhimasho iyo Dhaawac uu ku dhexmaray.
Labada Beelood ayaana Goobtaasi ka soo Jeediyey Dacwadii
oo dhagaysanayeen Culumadii oo Xilsaaray iyo Qaarkamid ah
gudiga Dhex Dhexaadinta oo lagu daray Culumada inay wax la
ogaan faah faahina ka siiyaan Qaabka deegaanka loogu muran
san yahay, ugu horayna Waxa Dacwadooda halkaasi ka
dhiibtay Meesha Deegaanka Buuhoodle oo Waxgaradkii ka
socday Goobta ka soo Jeediyeen Doodii ugu Qiimaha badnayd
oo siwayn Culumada Isimada iyo Qaybigii ku sugnaa Madasha
shirka maygaagle, Waxayna Beesha Buuhoodle Goobta ka
sheegtay inay leeyihiin ilaa gobolka togdheer oo dhan
deegaanadaasina Beeshaasi ku Qoteen sifo sharci Daro ah.
Waxayna Wakiiladii uga Hadlay Dhinaca Buuhoodle sheegeen
in Baliga Kalshaale Mulkiyadiisa ay leeyihiin isla
Markaana horay labada beelood go'aan looga gaadhay
sanadkii 1993 Xiligaasi oo laga aasay Beesha bariga burco
haatana sharci daro ku Qoteen, dhinaca Beesha gobolka
togdheer ayaana sidoo kale iyana sheegtay Mulkiyada Baliga
Kalshaale iyo Deegaano farabadan Waxana Doodii Maanta ku
soo dhamaatay Waji Wanaagsan iyadoona Culumadu goobta ka
sheegeen in Barito dib lay sugo soo laabto Dacwada Markale............
Cali Dhagjar
Ceegaag,com
Maygaagle
webmaster@ceegaag.com |