Goaan
xukun ah ee shaqaaqadii Kalshaale
(Maygaagle,
December 08,
2010 Ceegaag Online)
Go'aamadii
oo cod ah
Dhagayso
بسم الله
الرحمن الرحيم
Taariikh: 03/01/1432H,
08/12/2010 - Meygaagle
KU:
labada beelood ( Beesha Buuhoodle & Beesha Qori lugud)
OG:
DHammaan salaadiinta, garaaddada , boqorrada, cuqaasha
iyo odayaasha dhaqanka
UJ:
goaan xukun ah ee shaqaaqadii Kalshaale
Haddii aannu nahay guddiga garsoorka ee hoos ku saxeexan ,
waxay kalsooni buuxda noo siiyeen labada beelood ee kala ah
beesha Buuhoodle iyo beesha Qori lugud,oo ay wakiilu dacwo u
ahaayeen: Saleebaan Maxamed Jaamac, Cali Cabdi Cali, C/raxmaan
Axmed Diiriye, oo ahaa dhinaca B/hoodle, iyo Caaqil Cali
Caddaani Cali, Cismaan Ibraahim Warsame, Adan Warsame Cawed:
inaan shareecada ku kala saarno arrimaha ay isku hayeen oo
kala ah :
A-
Dhimashadii, dhaawacii iyo hantidii ku dhuntay
shaqaaqadii dhex martay labada beelood: 9 10kii bishii
Dilxijja 1431H
B-
Lahaanshaha balliga Kalshaale iyo nawaaxigiisa:
Markaan dhegaysannay dacwada
labada dhinac, aragnayna qoraalladoodii.
Markaan tagnay goobtii ay
isku hayeen lahaanshaheeda ee Kalshaale .
Markaan dhegaysannay
qiraalka ay isla qirsan yihiin dhimashada, dhaawaca iyo
furka.
Markaan dooddoodii u
bandhignay shareecada , kana baaraan degnay.
Markaan huibin ku sameynnay
degaannada beelahan
Waxaannu goaaminnay sidan:
1-
In 10ka nin ee ay kala dileen oo toddoba u dhalatay
beesha Qorilugud, saddexda kalena beesha Buuhoodle, laga
bixiyo mag culus ( muqalladah), oo ninkiiba yahay: 100
halaad oo kala ah: 40 halaad oo rimman, 30 qaalmood oo 5 jir
ah , iyo 30 qaalmood oo 4 jir ah, bixintuna tahay mag
dharaareed( xaallah).
2-
In ragga ka dhaawacan labada dhinac la kala xaqdo
marka ay bogsadaan, kuwaasoo kala ah: beesha Qori lugud 6
nin, beesha B/hoodlena 3 nin, xaqooduna waa diyo culus(
muqalladah).
3-
In wixii hanti ah ee sugma , beel waliba u celiso tan
kale wixii ay leedahay.
B- Balliga Kalshaale:
1- In beelina si gaar ah
aanay u lahayn Baligaas , isla markaana ay wadaagaan labada
beelood biyihiisa, daaqiisa iyo degaankiisaba..
2-
In beesha Buuhoodle ay xaq u leedahay inay ka qodato
dhinaca kale ee balliga saddex berkadood, beesha Qori
lugudna leedahay saddexdii ay horey u qodatay.
3-
In aan lagu darin dhisme Magaalo ah iyo Baraago
kale midna maadaama ay goobtu tahay dhul daaqeed.
Eeg:
1-
Akhri xadiiska uu weriyey Imaan Axmad, Abuu daauud,
iyo Ibnu maajah oo caddeynaya in biyaha , daaqa , iyo
xaabada ay dadka muslimiinta wada leeyihiin, haddii aysan
jirin cid gaar ah oo noolaysatay( tacmiir) loogana horreyn.
2-
Akhri xadiiska uu weriyey Bukhaari ee tilmaamaya : in
dhulka qofka muslimka ah ee nooleeyaa mulkiyo.
3-
Al um ee Imaamu SHaafici , M2, J2, bogga: 42- 46.
4-
Almajmuuc M16, bogga: 117- 121.
5-
Almawsuuca alfiqhiya, M2, bogga: 238 250.
6-
Alwajiiz fii fiqhissunna walkitaabil caziiz, bogga:
353.
7-
Aljaamicu li ixkaami fiqhi sunna, M4, bogga: 161.
8-
Alsharxul mumtic, bogga : 5 - 204
Saxeexa guddiga shareecada
ee goaanka gaaray:
1-
SH.Cusmaan Cali Xuseen( guddoomiye)
.
2-
SH.Axmde Maxamed Suleymaan
.
3-
SH.Axmed Xaashi Xuseen
4-
SH.C/laahi Cabdi Cali ( Makaawi)
..
5-
SH.Maxamuud X. Yuusuf
6-
SH.Cawil Faatax Shire
.
7-
SH.Muxummad Warsame Dhurde
..
8-
- SH.C/qaadir Muxummad Nuur
.
9-
SH.Faarax Muumin Faahiye( xoghayn)
..
Guddiga arrimaha dhaqanka
1-
Oday /Maxamuud Saxardiid Ismaaciil
.
2-
Oday/ Xasan Xuseen Faarax
.
3-
Oday/ Cabdi Xaashi Xuseen
.
4-
Oday/ Diiriye Daahir Caalin
.
5-
Oday/ Cabdi Aadan C/laahi
.
6-
Caaqil/ Xirsi Maxamed Cilmi
.
7-
Caaqil/ Maxamuud C/laahi Faarax
8-
Oday/ Cabdi Faarax Nuur
..
magacyada ergada Salaadiinta ah iyo garaaddada
Haddaannu nahay salaadiinta , garaaddada iyo boqorrada
magacyadoodu hoos ku qoran yihiin waxaannu ayidnay xukunka
hsareecada ee laga gaaray arrinta Kalshaale:
1-
Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim
.
2-
Garaad Maxamed Cilmi SHirwac
.
3-
Garaad C/llaahi Cali Ciid
..
4- Suldaan Saciid Maxamed Garaase
5 Suldaan Xasan Barre Warsame Shire
.
6- Suldaan C/raxmaan
Jaamac Dhawal
..
7- Suldaan Maxamed Yuusuf
X.Faarax
.
8- Suldaan Xasan Baade
Xaddi Axmed
.
9- Suldaan Xiis Barre
Yuusuf
.
10- Suldaan Maxamed
Maxamuud Xandulle
..
11- Suldaan Saleebaan
Tukaale Raage
Shir-Gudoonka Ergada Dhexdhexaadka ah :
1-
Suldaan Cusmaan Suldaan Cali Suldaan Madar(
Goddoomiyaha Ergada)___
2-
Suldaan Suleymaan Suldaan Cali Ismaaciil ( Gudoomiye
ku xigeen)_______
3-
Suldaan Axmad Daahir Muuse Cilmi
_________________________________
Daawo Sawirada
Cali Dhagjar
Ceegaag,com
Maygaagle
webmaster@ceegaag.com |