Gudoomiye Kuxigeenka
Gobolka Cayn oo ka Hadlay Ciidamada Maamulka Somaliland ee
Maygaagle ku sugan iyo Xaalada Abaaraha ka jirta Mandaqada.
(Buuhoodle,
December 25,
2010 Ceegaag Online)
Gudoomiye K/xigeenka Gobolka Cayn Maxamud
Sh Cumar
Dhageyso
Gudoomiyey
Kuxigeenka Gobolka Cayn Maxamuud Sh Cumar Xasan ayaa shir
Jaraad ku Qabtay Magaalada Buuhoodle Waxana uu shirkiisan
Saxaafada u Qabtay kaga Hadlaya Xaalada Guud ee Haatan ka
Jirta Gobolka Cayn iyo Waxyaabaha Xaaladahaasi ay Doonayaa
inay ka Maamul ahaan Wax kaga Qabtaan Xiligan, Waxa uu kaga
Hadlay Qodobo Dhowr ah.
Qodobadaasi
oo kamid ahaayeen Ciidamada Maamulka Somaliland ee Haatan ku
Sugan Deegaanka Maygaagle oo Gudoomiyey Kuxigeenka Gobolka
Cayn uu sheegay in inta Badan gobolka Cayn Ciidamada
Maamulka Somaliland ay ku sugan yihiin Waxana uu Faah faahin
kaga Bixiyey Talaabada Maamulkiisa iyo Shacabka Gobolka Cayn
looga Baahan yahay.
Qodobka
Labaad ayuu laga Hadlay Xaalada Guud ee Amaanka Gobolka Cayn
oo ku sheegay in Amaanku Wanaagsan yahay Xiligan Ciidamaduna
ku jiraan Heegan Buuxda oo Wax kastaaba ay Dhici Karaan
Waxana uu si Qoto dheer faah faahin kaga Bixiyey
Nabadgaliyada Guud ahaanba Deegaanka, Waxana uu ka Codsatay
Dhamaan Waxgaradka Buuhoodle in sugitaanka Amaanka Meel
looga Wada Istaago.
Ugu
Danbaytiina Waxa uu Gudoomiyey Kuxigeenka Gobolka Cayn Soo
Qaatay Abaaraha iyo Biyo la,aanta Haatan laga soo sheegayo
Deegaano badan oo katirsan Gobolka Cayn oo lagu soo Waramayo
in Xaalada Biyo la,aaneed ka jiro, Waxana uu ka Codsaday
Ha,yada ka Hawl gala Puntland inay Deegaanka Buuhoodle soo
gaadhsiiyaan Kaalmo Biyo ah oo Deg deg ah iyo Raashin si
Dadka loo gaadhsiiyo.