Ha'yada WHO Unicef oo
Degmada Ceegaag ka Bilaabay Talaalka Carruurta
Degmada Ceegaag Waxa Maanta Galinkii hore laga Bilaabay
Talaalka Maalmaha Caafimaadka oo Degmadaasi Ceegaag La
Gaadhsiiyey Talaalkaasi oo ay fulinayso Ha'yada
Caafimaadka Adduunka ee WHO oo Gacan ka helaysan Ha,yada
Kale ee Unicef oo katirsan Ha'yadaha Samafalka ah ee ka
Hawl Gala Gudaha Wadanka Somalia kana shaqeeyaha Arimaha
Caafimaadka.
Talaalkani ayaana Waxa Maanta Degmada Ceegaag ka Bilaabay
Kooxaha Caafimaadka oo Degmadaasi Ceegaag loo tababaray oo
Gaadhsiinaya Dhamaan Xaafaha ay ka kooban tahay Magaalada
Ceegaag Waxan Masuuliyiinta Ha'yada WHO ee ay sheegeen in
Talaalkaasi loogu talagalay Carruurta Da'doodu Gaadhayso 5
sano inay ka Faaiidaystaan Maalmaha Talaalku uu ka
soconayo Guud ahaan Degmada Ceegaag iyo Nawaaxigeeda.
Waxana Kaloo Talaalkani uu Maanta ka Bilaabay Magaalada
Buuhoodle iyo Degmooyinka Kale Iyadoona Horay gobolka
looga Bilaabay Talaal Kale oo ka yimid Wasaarada
Caafimaadka Puntland oo ay soo Marisay Ha'yadaha WHO iyo
Unicef, Waxana Deegaanka Buuhoodle Mar kaliya soo gaadhay
Labo Talaal oo ka kala yimid Garowe iyo Hargaysa oo
Dhamaan Shaqaalahoodu Haatan Gaadhsiiyeen Dhamaan
Deegaanka oo Dhan.