Koox ku raadjoogtay
danbiile ka soo baxsaday Galdogob oo ay fooda isdareen
maleeshiyo Beeleedyo Agagaarka tuulada Dandan
Wararka naga soo gaadhaya magaalada
Buuhoodle ayaa ku soo waramaya in xalay ay fooda isdareen
kooxo ku daba joogay danbiile iyo maleeshiyo beeleedyo ku
sugnaa tuulada Dan-Dan. Nin ayaa ku geeryooday reer Galdogob
ah halka uu ku dhaawacmay nin ka soo Jeeda Buuhoodle.
Ninkii dhintay ayaa hada yaala Buuhoodle
iyada oo ay waxgaradkii reer Galdogob diideen in la'aaso
ilaa la keeno ragii Dilay, Halka ninkii dhaawaca ahaa loo
qaaday Garoowe.
Wararka ayaa xaqiijinaya in Kooxahan reer
Galdogob ay doonayeen inay ka qafaashaan nin danbiila ah, oo
lagu eedaynayo inuu danbi dil ah ka soo sameeyay
Gaalkacayo, kaa soo gabaad usoo aaday reer abtigii siiba
tuulada Qorulugud.
Goobjooge ayaa noo xaqiijiyay in ay diideen
in kooxdan reer Galdogob inay sheegaan waxa ay doonayaan
ayna wateen laba gaadhi tiradooduna
ahayd 15 nin, goobjoogahan ayaa noo sheegay inay diideen
inay is sheegaan cida ay yihiin iyo waxa ay u socdaan taasoo
shaki wayn ku abuurtay maleeshiyo beeleedyo ku sugnaa
agagaarka tuulada Dandan tasoo keentay inay weerar ku
qaadaan dhalinyaradan.
Sidoo kale eedayn ayaa uga timid ciidamada
Itoobiya eedayntan oo lagu sheegay inay kooxda dhalinyarada
ee reer Galdogob ay yihiin koox ka tirsan Kooxda Al-shabaab
tasoo ciidamada Itoobiya weerar ku qaadeen Kooxdan ayna soo
wada xidhxidheen.
Dhalinyaradan ayaa hada ku xidhan Buuhoodle.
Halka waxgaradkii reer Buuhoodle iyo reer Galdogob wada
hadal uga socda sidii shaqaaqadan loo xalin lahaa.