Kulan Ku Saabsan Doorka Culimada ee Xalinta Dagaal
Beeleedyada oo Garoowe Ka Dhacay
(Garoowe,
December 04,
2010 Ceegaag Online)
Kulankaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada
Cadaalada ,arimaha Diinta iyo dhaqan celinta Dawladda
Puntland oo gacan ka helaysa Hay’ada NCA ayna kasoo
qaybgaleen Culimaa’udin ka kala yimid degaanada Puntland
ayaa lagu gorfeynaayay doorka culimada diintu ku leeyihin
xalinta khilaafaadka beelaha ee dhaliya khasaarooyin iyo
fahansiinta bulshada waxyaabaha diintu ka qabto.
Culimaa’udinka maanta kulanka uga furmay xarunta
Wasaarada ayaa waxaa ka dhexmuuqday culimaa’udinka ugu
caansan degaanada Puntland,waxanaa mudada kulanka uu socdo
la rajeynaaya in ay soo saaraan qodobo ay isla meeldhigeen
kuna aadan xakamaynta khilaafaadka beelaha oo sanadahaan
dambe ka dhacaysay degaanada Miyiga ee Puntland salkana ku
haysan muran la xirrira daaqsiinta iyo biyaha.
Masuuliyinta furitaankii kulanka kasoo qaybgashay waxaa
kamid ahaa Wasiirka Cadaalada iyo Arimaha diinta
Cabdikhaliif Xaaji Xassan, Culimo ka socotay Ururka Culimada
Islaamka ee Afrika oo lagu martigeliyey kulanka kuna
xeeldheer arimaha xalinta khilaafaadka.
Madaxa Hay’ada NCA ee Soomaaliya Mr.Burhaan oo goobta ka
hadlay ayaa sheegay in ay ka qayb qaadanayaan kaalintooda
kaga aadan xal u helida xurgufta beelaha kala gaarta,wuxuuna
sidoo kale sheegay in NCA caawinta culimada ay caawiso ay
yartahay waxaa ay ku caawiso hada inta in ay tahay wax ay ka
caawiso wax muhiimad u leh degaanka.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysna ahayn markii ugu
horeysay oo kulankaan oo kale ay Hay’ada NCA ay qabato balse
ay kulamo hore jireen kuwaasoo ay culimada ka caawinaysay
dhinaca wacyigelinta Burcadbadeeda.
Wasiirka Cadaalada Eng.Cabdikhaliif Xaaji Xassan ayaa
sheegay in ay Culimada u noqon karaan udub dhaxaad xalinta
khilaafaadka beelaha Puntland oo ah kuwo dhowr jeer soo noq
noqday.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Culimada Puntland ay yihin
kuwa ku xeel dheer diinta,kulankaan maanta uu yahay mid
muhiimad weyn u leh culimada maadama ay goobjoog ka yihiin
culimo kasocota Ururka Culimada Afrika.
Kulankaan ayaa lagu wadaa in Culimada kasoo saaraan
qaabka ugu wanaagsan oo ay culimada ku xalin karto khilaafka
beelaha ee soo noq noqotay.
Daawo
Sawirada
Xigasho:Horseed
webmaster@ceegaag.com |