Madaxtooyada Magaalada Hargaysa ayaa
Maanta horteeda ayaa Waxa ka dhacay Mudaharaad Balaadhan
oo Dadwayne Cadhaysani isugu yimaadeen Xarunta Madaxtooda
Horteeda iyagoona ka dhigay dibad Bax balaadhan oo Mudo
socday, Dadkani Maanta Cadhaysani ayaa ka cabanayay
Cadaalad daro ay sheegeen inay kala kulmeen Maxkamadaha
Gobolka Hargeysa gaar ahaan Gudoomiyaha, waxa kale oo ay
dadkani ka cabanayeen caruur danyar ah oo agoon ah oo ay
sheegeen inay loo Xukumay Dadkale oo aan lahayn.
Dadweynahan ayaa sitay Boodhadh ay ku xardhan yihiin Erayo
lidi ku ah Maxkamada iyo Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo
uguna Baaqay in
arimahaasi sharcidarada ah si deg deg ah Wax looga Qabto,
Waxa intaask kadib Halkaasi ciidamada Ilaalada
Madaxtooyada iyagoo gacan ula tagay Sawirqaadayaal ka
tirsan Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable Tv iyo
Telefishanka SSCH oo Wariyaashaasi Goobtaasi ugu Gaystay
Jirdil Madaxtooda horteeda.
Shabakada Wararka Ceegaag.com ayaana Ilo Wargali ah oo
Magaalada Hargaysa ayaa noo sheegay in Ciidamadu Kala
Cadhiyeen Dadwaynihii
Mudaharaadka ka dhigay Madaxtooda Horteeda iyagoona
Goobtaasi Keenay Ciidamo dheeraad ah, Dibad Baxni ayaan ku
soo beegmaya iyadoo Todobaadkani ay Ardayda Jaamacada
Hargaysa Mudaharaad Balaadhani ka dhigeen Magaalada
Hargaysa oo Rabshado Watay Xidhayna Qaarkamid ah
Wadooyinka..