Qodid qaabayn ah oo lagu bilaabay Baliga Ceegaag
(Ceegaag,
December 11,
2010 Ceegaag Online)
Waxaa wiigii tagay laga bilaabay magaalada
Dismasa ee Ceegaag qodid lagu qaabaynayo baliga Ceegaag oo
isagu ahaa haatan ka hor mid dabiici ah. Habayntan ayaa
waxaa fulinaya Aqoonyahano ka soo jeeda deegaanka Caymeed
iyaga oo la kaashanaya haayadaha caalamiga ah.
Baliga Ceegaag ayaa isagu ka mida baliyada
taariikh ahaan ugu qadiimsan balse aan maata ka hor lagu
samaynin wax dayac tir ah oo lagu kor dhinayo awooda biyo
kaydineed ee baliga.
Dibu habayntan ayaa lafilayaa inay dhiiri
galiso in dadka deegaanku u qumaan samaysashada waxyaabaha
nolosha kaaba sida Beerashada, hagaajinta bilicda iyo
nadaafada magaalada, dardar galinta habaca ku yimid
dhismayaasha oo haatan lala sugu wakhtiga roobka, iyo
waxyaabo badan oo nolasha magaalada ka mid ah.
Daawo
Sawirada shaqada baliga kasocota
Cali Osman Yusuf(Cali dhagjar)
Ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |