Raysal wasaaraha Soomaaliya Dr. Farmaajo oo booqday
qaarkamida goobaha ay dawlada iyo mucaaradku isku
horfadhiyaan Caasimada Muqdisho
(Muqdisho,
December 03,
2010 Ceegaag Online)
R/Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta soo
kormeeray Goobihii ay Ciidamada Dowladda KMG-ka Soomaliya
Maalintii shalay kala wareegeen Maleeshiyaadka kooxda Shabab.
Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxameed Farmaajo R/wsaaraaha
Xukuumadda Federaalka KMG-ka Soomaaliya ayaa waxa uu kormeer
howled kusoo kala bixiyay Goobo faro badan oo ay Ciidamada
qalabka sida maalintii shalay ka saareen maleeshiyaadka
Kooxda Shabab,waxaana goobaha uu R/wasaaraha soo kormeeray
kamid ah: Dhismaha Gurigii Maxamed Baare iyo Dhismaha
gurigii uu lahaa Khaalli Gacameey iyo Xarumo kale oo ka
tirsan Degmada Boondheere ee Gobolakni Banaadir.
R/wasaaraha oo Saxaafadda kula hadlay aagga hore ee
dagaalka ayaa ku amaanay Ciidamada Dowladda Dadaalka Geesinimada
leh ee ay sameeyeen, isagoo ugu hambalyeeyay Guusha ay
gaareen.
R/wasaaraha ayaa ujeeddada kormeerkiisa ku sheegay inay
tahay sidii uu u soo arki lahaa Goobaha ay gacanta ku
dhigeen Ciidamada qalabka sida islamarkaasna ay ka saareen
Maleeshiyaadka kooxaha Nabad diidka ah.
Mudane Farmaajo ayaa sheegay in 43 qof laga dilay
Kooxaha cadowga ah ee Weerarka soo qaaday islamarkaasna uu
dhaawacoodu yahay mid aan cadad laheyn, waxa intasai ku
daray in Ciidamada Dowladdu ay ka dhaawacmeen 2-askari oo
kaliya hase yeeshee aysan jirin wax dhimasho ah oo soo
gaaray.
Maxamed cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa shaaca ka
qaaday in Maleeshiyaadkii soo duulay ay ku jabeen dagaalka
islamarkaasna ay ku fashilmi doonaan, waxa uuna xusay in
Ciidamada Dowladdu aysan dib u soo laaban doonin illaa ay ka
ceyriyaan Maleeshiyaadka Kooxaha nabad diidka ah.
R/wasaaraha ayaa tilmaamay in Al-shabab ay yihiin Gumeysi
doonaya in dalka uu ku jiro dagaal oo keliya, hase yeeshee
waxa uu hoosta ka xariiqay in Dowladdu ay dooneyso nabad,
isagoo farta ku fiiqay in dhowr jeer ay ergo nabadeed iyo
baaqyo nabadeed u direen maleeshiyaadka Kooxaha dagaallada
wada hase yeeshee ay ka dhego adeegeen.
Wuxuu Tilmaamay in loo baahan yahay in xilligaan kaddib
loo soo jeesto sidii loo dhisi lahaa dalka maadaama 20-kii
Sano ee lasoo dhaafay ay dhibaatooyin ka jiren gudaha dalka.
Goobaha uu soo kormeeray R/wasaaraha ayaa waxaa ka muqday
Burbur xooggan oo ay gaarsiiyeen Dagaalladii ugu dambeeyay
oo Ciidamada Dowladda iyo maleeshiyaadka Kooxaha nabad
diidka ah ku dhexmaray Degmada Boondheere ee Gobolka
Banaadir.
Waxa uu R/wasaaruhu kulan gaar ah la qaatay saraakiil ka
tirsan Ciidamada qalabka sida oo u taagan difaaca Diinta,
dalka iyo dadka iyo sidoo kale Guddoomiyaha Degmada
Boondheere Cabdullahai Xersi wardheere Istakiin, isagoo kula
dardaarmay inay sii dardar geliyaan sidii meesha looga saari
lahaa kooxaha mayalka adag iyo ajaaniibtooda ku soo duushay
dalka.
Daawo
Sawirada waxaana inoo fududeeyay Sawirqaade: Atoosh
Xigasho:
www.radiomuqdisho.net
webmaster@ceegaag.com |