Safaradii xeebta DJabuuti oo dib looga furay Caasimada
Soomaaliya ee Muqdisho.
(Muqdisho,
December 09,
2010 Ceegaag Online)
Dowladda Jabuuti ayaa maanta
si rasmi ah u furtay Safaaraddeeda ay ku leedahay dalkan
Soomaliya kaddib Xaflada lagu furayay safaraadaasi oo ka
dhacday magaalada Muqdisho.
Munaasabaaddaan oo aheyd mid
si heer sare loo soo agaasimay islamarkaasna lagu furayay
Safaaradda cusub oo ay dowladda Jabuuti ku leedahay wadankan
Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Safaradaasi ee
Muqdisho.
Munaasabadaan ayaa waxaan
kasoo qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya
kuwaasoo ay kamid ahaayeen R/wasaare ku xigeenka ahna
Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Mudane Maxamed
Cabdullaahi Oomaar, Wasiirka Wasaaradda Dekadaha,Gaadiidka
Badda,Cirka iyo dhulka Axmed Cabdiraxman Abaade,
Xildhibaanno ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Baarlamanka
Soomalaiya,safiirka Dowladda Yeman u jooga wadanka
Soomaaliya Ambassador Axmed Cumar, Safiirka Dowladda Sudan u
qaabilsan Soomalaiya Ambassador Faadil Aljasuuli, Wakiilka
Ururka Jaamacacdda carabta u jooga wadankan Soomaaliya
Ambassador Maxamed Cabdalla Idiris iyo Marti sharaf kale oo
lagu casuumay Munaasabada.
Danjire Dayib Dubbad Rooble
Safiirka Jabuuti u jooga Soomaaliya oo hadal ka jeediyay
Munaasabada ayaa sheegay in furitaanka Safaarada Jabuuti ee
Soomaaliya uu ka dambeeyay kaddib markii madaxweynaha
Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ammar ku bixiyay in la
furo Safaardaasi si dadka Reer Jabuuti ay ula qeybsadaan ama
ay u garab istagaan Walaalahoda Soomaaliyeed.
Safiirka ayaa hoosta ka
xariiqay in Safaaradaha kale ee caalamka laga dhex furan
karo gudaha Soomalaiya si ay gacan u siiyana Ummadad
Soomlaiyeed ee dhibaateysan.
Sidoo kale R/Wasaare Ku
xigeenka ahna Wasiirka Wasaradda arrimaha Dibadda Mudane
Maxamed cabdulaahi Oomaar oo isna hadal koban ka jeediyay
Munaasabadada ayaa tilmaamay in furitaanka Safaaradda
Jabuuti ee Soomalaiya ay muujinayso in dadka Jabuuti iyo
Soomalaiya ay yihiin dad Mataano ah,kuwsa oo isku haya abaal
aad u weyn.
Isla maanata ayaa waxaa si
rasmi ah Calanka Jamhuuriyadad jabuuti looga taagay Xarunta
safaaradad Jabuuti ay ku leedahay dalkan Soomalaiya,iyadoo
Furitanka safaaradaasi ay si weyn u soo dhoweeyeen dhammana
dadkii ka soo qeyb galay Munaasabadda, waxaana calanka
Jabuuti si wada jir ah u taagay R/wasaare Ku xigeenka ahna
Wasiirka arrimaha Dibadda Maxamed Cabdullaahi Oomaar iyo
safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomalaiya Ambassador Dayib
Dubbad Rooble.
Sidoo kale fannaaniinta
Soomalaiyeed ee Hobollada waaberi ayaa iyagana soo bandhigay
Heeso qiirad leh oo ay ku amaanayeen Madaxweynaha iyo Dalka
Jabuuti.
Xigasho:R/Muqdisho
webmaster@ceegaag.com |