Siminaar ku sabsana sida loo
Mideynkaro doorka Odoyasha Dhaqanka Soomaliyeed oo manta
lagu qabtay Hoteel Saxafi ee magaladda muqdisho..
(Muqdisho,
December 05,
2010 Ceegaag Online)
Siminaar
ballaaran oo lagu xoojinayay doorka Odayaasha dhaqanka
Soomaaliyed ka qaadan karaan xal u helida dalka Soomaaliyed
ee colaaduhu la dageen ayaa maanta lagu qabtay magaalada
Muqdisho
Siminaarkaasi oo ay ka qeyb galeen mas'uuliyiin ka tirsan
Dowladda KMG, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Odayaal dhaqameedyo
iyo Culumaa'udiin.ayaa waxa soo qaban qaabiyay
Midowga Dhalinyarada
Soomaaliyed UYS ayaa waxaa xubnaha ka qeyb galay ka mid ahaa
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/shakuur Sheekh
Xasan, Xildhibaan C/llaahi Xasan
Naaleeye, Gudoomiyaha Beesha H/gidir Abuukar Ganey,
siyaasiga Prof.
Maxamed Faarax Jimcaale
iyo xubno kale.oo magac iyo maamusba ku leh bulshadda
dhaxdeedda.
Siminaarka oo ay ka qeyb galeen in ku dhaw 150 Xubnood oo ka
socday waxgaradka, dhaqanka soomaaliyed iyo culumaa'udiin
ayaa ugu horeyn waxaa diirada lagu saaray qodobo dhowr ah oo
ku wajahnaa xaalada dalka uu ku jiro.iyo sida loogaga bixi
karro.
Xasan Cilmi Yaxye oo ka
mid ahaa odayaashii dhaqanka soomaaliyed oo ka hadlay
siminaarka ayaa sheegay in ay tahay muhiimad gaar ah in la
isu yimaada, lana wada hadlo, isagoo door biday bedelkii
meel la wada fadhin lahaa ay haboon tahay in laga hadlo
xaalada dalka iyo sida loo samata bixin karo.
Waxaa uu sheegay in dhaqanka soomaaliyed uu yahay saldhig
Boolis markii la waayo in dib loogu noqdo, isagoo xusay,
isagoo xusay inuu yahay marjac dib loogu laabto, waxaana uu
soo qaatay kaalinta dhaqanka soomaaliyed kaga jirto masiirka
soomaaliyed.
Siyaasiga Prof. Maxamed
Faarax Jimcaale oo isna ka hadlay siminaarka ayaa hadalo
macno badan ku fadhiya ka jeediyay, isagoo ugu horeyn soo
qaatay doorka siyaasada oo uu qeexay inuu yahay meesha
xilligan ay wax ka qariban yahay, dalkana dib u dhigay,
isagoo amaanay doorka dhaqanka soomaaliyed oo uu qeexay inuu
taagan yahay.
Prof. Maxamed Faarax Jimcaale ayaa sheegay in laga
shaqeynayo in dadkan laga dhigo kuwo aan isku dad aheyn,
isagoo xusay in dalka uu yahay dal kaliya, diin kaliya,
waxaana uu soo qaatay kooxaha magacyo diimeedyada wata oo uu
tilmaamay in ay wataan ajaaniib kale sida uu yiri.
Xildhibaan C/llaahi Xuseen Naaleeye ayaa muhiimad gaar ah
saaray doorka dhaqanka soomaaliyed, isagoo xusay in dhaqanka
hada yahay meesha kaliya ee wax ka qaldan yahay, isla
markaana loo baahan yahay in boorka laga jafo oo la soo
nooleeyo dhaqankii soomaaliyed. Xildhibaanka ayaa ku
canaantay Odayaasha dhaqanka in aanay gaarin heerkii
Odayaasha dhaqanka Somaliland iyo Puntland oo ah buu yiri
maamulo nabad heysta, isagoo ku dhiira geliyay odayaasha
dhaqanka ee koofurta ku sugan inay ku daydaan ayna nabada ka
shaqeeyaan.
Waxaa uu tibaaxay in heerka siyaasada maanta ay joogto meel
wax la qaban karo, , isagoo u mahad celiyay hey'adda UYS ee
soo qaban qaabisay Siminaarka oo uu sheegay inuu wax badan
ka tari karo nabada iyo xasiloonida dalka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/shakuur Sheekh
Xasan Faarax oo isna hadal kooban ka jeediyay siminaarka
ayaa ugu horeyn mahad celin gaar ah u jeediyay Hey'adda UYS,
isagoo ku ammaanay dadaalka ay ku bixisay isu keenida
Odayaasha dhaqanka soomaaliyed.
C/shakuur Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegay inay soo
dhoweynayaan in doorkii hore mid ka fiican inuu soo noqday,
isagoo carabaabay in dalka ay hada soo dhex galeen cadaw,
waxaana uu cadeeyay inay diyaar u yihiin inay ka qeyb
qaataan soo nooleynta dhaqanka soomaaliyed min tuulo, degmo
ilaa Gobo, si buu yiri dhaqanka loogu celiyo halkeedii horel
sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka ayaa sheegay in siminaaradan ay yihiin kuwo wax tar
u leh dalka, isagoo ka codsaday Madaxda Hey'adda UYS inay
sii wadaan dadaalkooda, ayna Dowladda u adeegaan, isagoo
xusay in aanay Dowladda ka maarmin hey'adaha wax u qabanaya
shacabka.
Ugu dambeyn waxaa uu wasiirka ku baaqay in la iska kaashado
soo celinta nabadgelyada , midnimada, dowlad wanaaga, iyo
sidii loogu istaagi lahaa in la ilaaliyo sharafkii umada
soomaaliyed loona soo
celin lahaa.
Siminaarka ayaa waxaa kama dambeys soo gunaanay Gudoomiyaha
Gudiga Beesha H/gidir Abuukar Ganey, isagoo siminaarka ku
tilmaamay mid wax ku ool ah bulshada gaar ahaan dhaqanka
soomaaliyed, waxaana uu ka codsaday Madaxda Hey'adda inay
badiyaan siminaarada ceynkan oo kale
ah, ama 15-kii cisho ay mar u qabtaan Odayaasha dhaqanka.
Abuukar Ganey ayaa sheegay in muhiimada laga leeyahay isu
keenida odayaasha iyo siminaarada loo qabanayo ay tahay,
inay ka soo baxaan fikrado la is dhaafsado, oo noqdya kuwo
xal u ah maslaxada
soomaaliyed, isagoo dadaalka ay sameysay UYS ku bogaadiyay.
Siminaarkan ayaa noqonaya kii labaad oo Hey'adda UYS u
qabato Odayaasha dhaqanka Soomaaliyed, iyadoo siminaarkii
hore ahaa mid ay ka qeyb galeen madax dhaqameedyada ugu
caansan Soomaaliya
Xigasho:Caliyaale
webmaster@ceegaag.com |