Kadib Markii Maanta Culumadii dhagaysiga Dacwadii ka
socotay Maygaagle ee lagu dhex dhexaadinayey Beelihii ka
soo kala Jeeay Buuhoodle iyo Bariga Burco halkaasina
kaga Dhawaaqeen go,aamo ay ka soo saareen dhagaysiga
Dacwadaasi ayaa dhinaca Kale Waxa go,aamadaasi sharci
daro ku tilmaamay Dhamaan Waxgaradka Buuhoodle oo go,aan
Midaysan ka Qaatay go'aankii Maxkamada, kuna tilmaamay
kuwo sharci daro ah.
Shiikh Saleebaan Maxamed Jamac ayaana ku tilmaamay
go,aamada laga gaadhay Baliga kalshaale inay yihiin kuwo
aan sharciga Waa faqsanayey Waxan uu shiikhu intaasi
raaciyey inay anbiil ka Qaateen go,aanka Maxkamadaasi
Gaadhay ee Culumadaasi ka soo saareen Maygaagle.
Wakiil u Dacwaha Buuhoodle ayaa sheegay inay intii
Dacwadu socotay keenee Markhaatiyaashii Cadaynayey inay
leeyihiin Baliga Kalshaale ilaa sanadkii 1950kii
Xiligaasi oo Baliga kalshaale ku yaaleen Ceelal laga
Cabo oo gaar u lahaayeen Beesha Buuhoodle oo Waliba lagu
dhaariyey Qaarkamid ah Dadwaynaha Buuhoodle degan saaka
inay xiligaasi Ceelal ku lahaayeen Hadeerna uu Mulkiyada
kalshaale leeyihiin Reer Buuhoodle(Waraysigaasi oo
dhamaysitiran Ceegaag.com ka dhagayso)