Magaalada
Edmonton ee Dalka Canada oo si weyn looga dabaaldagay Xuskii
xornimada Somalia & Canada.
(Edmonton,
July 01,
2010 Ceegaag Online)
Xaflad
si heer sare loo soo agaasimay oo loogu dabaaldagayay
Maalinta Xornimada Wadamada Somalia & Canada ayaa lagu
qabtay beerta Rundle Park ee magaalada Edmonton.
Xafladdaas oo dadwaynihii ka soo qayb galay ay ka
muuqanaysay wajiyadooda farxad iyo qiiro waddaninimo oo ay u
hayaan maalintaas ku wayn ummadda Soomaaliyeed iyo Umada
Dalka Canada, xafladaas oo si wada jir ah ay usoo abaabuleen
Ururada
SCERDO, ASAAS, ASWSSA, SCCC iyo FC –UNITED EDMONTON,
dabaaldagaa waxaa ka mid ahaa Tartan ciyaareed Kubada Cagta
ah oo ay isugu soo hadheen Kooxaha Somalia, Ethiopia &
Sierra Leone.
Waxaa
munaasibaddaas goobjoog ka ahaa dhammaan madaxdii ururadaas
kor ku xusan sida Dr. Maxamed Jimcaale, Bashir Xaaji Cali ,
Cabdinuur Khaliif Xaashi, Leyla Ladane, Maxamed Axmed Xirsi
(Cawil) iyo Cabdi-khayr Cumar Xaaji iyagoo halkaas Hambalyo
uga soo jeediyay dhammaan dadka Soomaaliyeed isla markaana
sigaar ah ugu hambalyeeyay Kooxdii ka socotay Dalka Sierra
Leone oo qaaday Koobkii 1-ka Luulyo 2010, waxaana koobkaas
gudoonsiiyay Dr. Maxamed Jimcaale oo ah Gudoomiyaha Ururka
ASAAS.
webmaster@ceegaag.com |