Cuqaasha
Waxgaradka, Culumada Beesha Hayaag oo iska fogeeyey Dilkii
Gudoomiyaha Maxkamada Laascaanood, Shir balaadhan oo Ceegaag
ka dhacay kadib
(Ceegaag,
July 23,
2010 Ceegaag Online)
Waraysi
Caaqil Cabdi Jaamac Gaydh
Dhagayso
Degmada Ceegaag Waxa shir
balaadhan kuyeeshay dhamaan Cuqaasha Waxgaradka, Culumada
waxana shirkaasi looga hadlay Dilkii Gudoomiyaha Maxkamada
laascaanood Saleebaan jaamac Ciise oo rag ka soo jeeda Ardaaga beesha
hayaag Booliska magaalada laascaanood Xabsiga dhigeen.
Cuqaasha Waxgaradka, Culumada ayaa shir balaadhan oo Ceegaag
ku yeesheen kadib Waxay Warbaahinta u sheegeen inaanay ka
danbay dilkaasi gudoomiyaha Maxkamada Magaalada laascaanood
tacsina u dirayaan Eheladii uu ka geeriyooday, Waxayna
intaasi Raaciyeen Waxgaradka beesha hayaag inay diyaar u
yihiin inay ka Qanciyaan, beesha baharsame, iyo
Qayska Marxuunka dhintayba inaanay dilkaasi gabi ahaantiisa
aanay geysan beesha hayaag, isla markaana diyaar u yihiin
inay la xaajaystaan Cidkastaba.
Caaqil Cabdi Jaamac Gaydh oo kamid ah Xubnaha golaha
Cuqaasha ee beesha Hayaag ayaa Shabakada wararka Ceegaag.com
arimahaasi faah faahin dheeraad ah maanta ka siiyey Waxaana uu
sheegay inay magaalada laascaanood ku sii jeedaan
halkaasi kulamo kula yeelan doonaan Cidkastoo ku tuhunsan Dilkaasi, kana Qancin doonaan.
Cali Dhegjar
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |