Duqa magaalada
Widh Widh oo walaac xoogan ka Muujiyey Xaalada nolol xumo oo
soo foodsaartay Qoysaskii ka barakacay degmadaasi Widh Widh
(Widhwidh,
July 17,
2010 Ceegaag Online)
Duqa magaalada Widh Widh
Aadan Xirsi Dhabarlow
Dhagayso
Duqa magaalada Widh Widh
Aadan Xirsi Dhabarlow oo maanta shabakada Wararka
Ceegaag.com siinayey Waraysi khaas ah ayaa sheegay in
barakac xanuuno iyo dhibaatooyin kale soo food saareen
dadkii ka barakacay dagaaladii ka dhacay dhawaan magaalada
Widh Widh dadkaasi oo haatan hoy la'aan nolol Xumo ku
haysato Deegaano katirsan degmada Widh Widh.
Duqa magaalada ayaa intaasi Raaciyey in Qoysaskii ka baracay
magaalada Widh Widh haatan gabi ahaantoodba dhibaatooyin
badani soo food saareen Xiligan oo lagu jiro bilowgii
jilaalka waxna uuna maayarku sheegay in Carruurta hooyinka
uurka leh ay dhibaatooyin kala kulmeen dagaaladii ka dhacay
magaalada Widh Widh oo hada xaaladooda caafimaad tahay mid
aad u hoosaysa.
Ugu danbaytii maayarka magaalada Widh Widh ayaa ugu baaqay
dhamaan Qurba jooga ha,yada samafalka ahi inay gar gaar deg
deg ah la soo gaadhaan Qoysaskii ka barakacay magaalada Widh
Widh oo daadsan dhulmiyi ah oo xaalado nolol Xumo haatan soo
foodsaartay.
Ali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |