Kaynaan oo lagu
eedeeyay inuusan dadka Sawirka lagilin, Beeni Raad maleh
Cadayn.
(Koonfur
Afrika, July 14,
2010 Ceegaag Online)
Wargeyska ka soo baxa K/Africa laguna magaacabo The Times
ayaa ku tilmaamay heesaaga caanka ah ee soomaliyeed Keynaan
in uu yahay nin aan la maareyn karin oo kibir badan misena
aanan la hagi karin intasi ma aysan ugu harinee waxay kaloo
sheegeen in uu diido in sawir lala galo xiliyada uu heesayo.
Taasi waxa ka xumaaday Keynaan oo haatan dalabanaya
raaligalin Buuxda wuxuuna yiri ma ahan wax la aqbali karo in
jariirad caan ah misana ka mid ah wargeysyada ugu weyn South
Africa in ay qorto war aan sal iyo raad toona lahayn.
Jariidada oo soo xiganaysa qof aysan magaciisa sheegin balse
ka tirsan bahda heesaaga la socota ayaa sheegtey in Keeynaan
uu yahay nin qalafsan oo xitaa diida in sawiro lala galo,
mid ka mid ah eedeymaha loo jeediyey heesaaga ayaa waxaa ka
mid ah in uu diidey in uu bandhig ka sameeyo tuulada
Alexandra ee Johannesburg sababtuna ay tahay meel halis ah,
qofka lasoo xigtey ayaa yiri “Ninka sidaasi dhahana waa nin
Muqdisho ku dhashay”
Alexandra waa meeshii ay sanadii 2008 dii ka biloowdeen
rabshadihii shisheeye nacaybka ee lagu waxyeeleeyey ajaaniib
badan oo ay Soomaali ka mid tahay.
Waxay jariidada ku doodey in shir jaraa’id oo uu dhawaan
Durban ku qabtey uu kaliya ogolaaday in uu ka jawaabo 6
weeydiimood oo kaliya, halka shir kale oo uu warbaahinta u
qaban lahaa uusanba soo xaadirin, qofka aanan magaciisa la
sheegin ee lasoo xigtey ayaa sheegey in Keynaan uu yiri
“waxaan jeclaan lahaa in qandaraaska Coca-Cola aan halkan ku
joojiyo oo aan gurigeykii ku laabto” .
Laakiin Keynaan Cabdi Warsame oo wax ku qorayay bogiisa
Twitter ayaa yiri “Hadda ayaan aqriyey qormo kusoo baxday
The Times, qormo gabi ahaanba lagu soo bandhigey aragti qof
aanan magaciisa la sheegin, waa nasiib darro in wargeys ka
mid ah kuwa Koobfur Afrika ugu waaweyn uu daabaco
kutiri-kuteen dadka sheegey aysan wax tayo ah lahayn”.
“Haddii jariidada Times ee Johannesburg ay leedahay wax tayo
saxaafadeed, waxay u baahanyihiin in ay ka noqdaan,
raaligalina ka bixiyaan", ayuu yiri Keynaan Cabdi Warsame.
Keynaan ayaa heestii furitaanka ka qaaday koobka kubbada
cagta aduunka, iyadoo heestiisa ay ka daarantahay dariiq
kasta oo Koonfur Afrika ah, halka xayaysiinta Coca-Cola ee
qalabka warbaahinta ka baxda ay dhamaanteed ku baxdo
heestiisa, illaa iyo 85 wadan ayuu bandhigyo ka sameeyey,
laakiin wali Soomaalida Koonfur Afrika fursad uma aysan
helin in ay la kulanto ninkani loo arko xidig caalami ah.
Xigasho:
Calanka
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |