Kooxo
Islaamiyiin ah oo Ciidamo aruurin ka Waday gobolada Sanaag
Bari iyo Maamulka Puntland oo walaac xoogan ka Muujiyey
arimahaasi
(Boosaaso,
July 17,
2010 Ceegaag Online)
Wararka laga helayo
gobolada Sanaag iyo Qaybo kamid ah gobolkaasi Bari ayaa ku
soo waramaya in Maalmihii ugu danbeeyey goboladaasi dhaq
dhaqaaqyo xoogani ka Wadaan kooxo islamiyiin ah oo ka soo
jeeda gobolada Sanaag Qaybo kamid ah gobolkaasi bari,
kooxahan oo deegaanadaasi deegaan ahaan ka soo jeeda.
Wararka ayaa intaas ku daraya in kooxo islaamiyiin ah oo
kasoo horjeeda Maamulka Puntland halkaasi ka Wadaan dhaq
dhaqaaqyo Ciidan oo deegaanadaasi haatan ay ka bilaabeen
waxna wararku intaasi ku darayaan inuu taageerayaasha
Hogaamiye Maxamed Siciid Atom ay halkaas uga dhawaaqeen inay
taageersanyihiin Kooxda Xisbul Islaam ee kajirta koonfurta
Soomaaliya ee dagaalka kula jirta dawlada Soomaaliya.
Wararkani ayaa todobaadkani siwayn ugu soo xoogaysanayey
magaalooyinka Waa Wayn ee Puntland Waxaana isla markaasi isa
soo tarayey Walaac ay ka Muujinayaa shacabka kunool
magaalooyinka Puntland kooxaasi islaamiyiinta ah ee halkaasi
isku aruursanaya.
Isimada Cuqaasha, Waxgaradka gobolada Sanaag iyo Bari ayaa
dhinacooda kulamo deg deg ah ka yeeshay Waxayna go'aan ku
gaadheen in talaabo laga Qaado cid kastba oo isku dayda inay
amaanka Guud ee Puntland wax u dhimayso, talaabona laga
Qaado kooxahaasi halkaasi ka Wada Ciidan aruursiga.
Puntland ayaa iyadu soo
saartay Go'aamo ay ku sheegeen inay argagaxisada kula
dagaalamayaan, Go'aamadan oo ay islahaayeen ku baqo galiya
xoogaga siyaasadooda ka soo hor jeeda balse haatan si toos
ah loo tijaabinayo awooda Puntland iyo bal inay meel marin
karaan go'aamadii golaha sharcidajinta ee Puntland ku
dhawaaqeen wiigii hore.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |