Lacagtii
taalay garoonka diyaaraha Gaalkacyo oo xoog loola baxay iyo
Madaxwaynah Puntland oo ka cadhooday
(Gaalkacayo,
July 07,
2010 Ceegaag Online)
Wararka naga soo gaadhay
magaalada Gaalkacyo ayaa ku soo waramaya in habeenimadi
xalayto lacagtii faalsada ahayd ee lagu qabtay garoonka
diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo loola baxay qaab weerar
ah oo dadkii lacagtaasi lahaa kala baxeen garoonka diyaaraha
ee magalaada Gaalkacyo oo lacagtaasi lagu haye mudo badan,
kadib markii maamulkaasi Puntland uu diiday in lacagtaasi
gudaha magaalada Gaalkacyo gasho.
Lacagtaasi ayaa garoonka diyaaraha waxaa kala baxay qaar
kamid ah ganacsatada haweenka magaalada Gaalkacyo oo
lacagtaasi kala yimid dhinaca magaalada Muqdisho oo ay
sheegeen in lacagtaasi lagu lahaa Madaxwaynihii hore ee
somalia C/laahi Yuusuf haatana lacagtaasi dawlada shariif ku
Bixisay.
Lacagtaasi ayaa mudooyinka waxaa ka taagnaa muran xoogan oo
u dhaxeeya maamulka Muntland iyo ganacsatada magaalada
Gaalkacyo waxana hada wararka laga helayo magalaada Garoowe
caawa sheegayaa in Madaxwaynaha Puntland aad uga Cadhooday
in lacagtaasi laga baxo garoonka diyaarahab ee magaalada
Gaalkacyo, lama oga talaabada uu Qaadi doono Madaxwaynaha
puntland.
Guud ahaanba shacabka Puntland ayaa lacagtaasi la
bixitaankeeda ku keentay cabsi xoogan iyadoo laga cabsi qabo
in qiimaha safarka doolarku somalia gaadho halkii ugu
saraysay wadankuna uu galo somalia sixir barar hor leh, oo
mar kale ka dhasha gudaha magaalooyinka somalia gaar ahaan
Puntland.
Cali dhagjar
Ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |