Madaxwayne Siilaanyo oo la wareegay awoodii maamulka
Somaliland.
(Hargaysa,
July 27,
2010 Ceegaag Online)
Qudbadii Madaxwayne Daahir
Riyaale ee madasha
Dhagayso
Waxaa manta ka dhacday caasimada labaad
ee Soomaaliya xilwareejin lagu maamuusayay madaxwaynihii
hore ee maamulka gobolada waqooyi Daahir Riyaale kaahin
Laguna soo dhaweenayay Madaxwaynaha Cusub ee Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaayo).
Munaasabadan oo ahay mid aad u
quruxbadan amaankeedana aad loo sugay ayaa ku dhamaatay jawi
aad u wanaagsan, Xafladii Xil wareejinta Madaxweynaha afraad
ee Somaliland Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo
Madaxweyne Ku Xigeenka cusub Md. C/Raxmaan Cabdilaahi
Ismaaciil (Saylici), waxa goob joog ka ahaa Wufuud culus oo
ka socday dalalka Jabuuti, Itoobiya, iyo Kenya, waxaana
Weftiga Kenya Hoggaaminayay Guddoomiye Ku Xigeenka
Baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macalin Maxamuud.
Sidoo kale Weftiga Itoobiya waxa
hoggaaminayay Wasiirka Dalxiiska dawlada Fadaraalka ah ee
Itoobiya Md, Maxamuud Dirir, halka Wefftiga dalka Jabuuti oo
sadexdii cisho ee u dambeeyay dalka ku sugnaa Hoggaaminayay
Wasiirka Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo dhaqanka. Waxa kale
oo ka soo qeyb galay Shirgudoonka labada Gole ee
Baarlamaanka Somaliland, sadexda xisbi qaran, Wasiiradii
Xukuumada xilka wareejisay iyo Boqolaal qof oo ka socday
qeybaha kala duwan ee bulshada oo lagu soo marti qaaday
xaflada dhaarinta iyo xil wareejinta Madaxweynaha cusub iyo
Ku Xigeenkiisa.
Daawo Sawiradii Xaflada
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |