Maxaabiis laga saaray Jeelka Laascaanood iyo Qaarkamid ah
Madaxda Ciidamada Booliska Laascaanood oo Xabsiga la dhigay
(Laascaanood,
July 25,
2010 Ceegaag Online)
Wararka Saaka laga helayo
magaalada Laascaanood ayaa ku soo waramaya in Maxaabiistii
ku Xidhnayd Jeelka wayn ee magaalada Laascaanood xalay isaga
baxsadeen lama oga sababaha keenay inay maxaabiistaasi laga
saaro jeelka magaalada laascaanood oo saaka mar kaliya laga
waayey xabsiga magaalada laascaanood.
Maxaabiistaasi ayaa waxa kamid ahaa labo Xumood oo Maamulka
somalilnad u Xidheen inay ka danbeeyeen Qaraxyadii
laascaanood hadheeyey bilihii aynu soo dhaafnay raggaasi oo
jeelka wayn ee magaalada laascaanood ku xidhnaa mudo
farabadan.
Xubnahani xalay laga saaray jeelka magaalada laascaanood
Waxay kala yihiin Rooble Xuseen dalmar Jamac Geenyo, Mid
kamid ah Maamulkayaasha Macadka laascaanood iyo Rag kale oo
Xabsiga kula Xidhnaa oo xalay si Qarsoodi ah looga taxaabay
jeelka magaalada laascaanood lama oga raggaasi meesja jeelka
looga saaray.
Taliyaasha Ciidanka Booliska gobolka Sool Milatariga ayaa
maanta waxaa soo food saaray jaah Waree xoogan waxana
Xabsiga laascaanood la dhigay Qaar kamid ah Masuuliyiinta
Ciidanka oo lagu eedeeyey inay ka danbeeyeen sii dayta
raggaasi.
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodlle
webmaster@ceegaag.com |