Saddex
Askar oo lagu dilay magaalada Boosaaso galabta
(Boosaaso,
July 20,
2010 Ceegaag Online)
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegay in
galabta goor gaaban siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha
magaalada boosaaso ugu yaraan 3 askari oo katirsan Ciidamada
Amaanka magaalada boosaaso, Askartan oo midkood lagu dilay
Agagaarka Xarunta weyn ee Shirkada Isgaarsiinta Golis,halka
midkalena lagu dilay Agagaarka Barxada Gaaca oo aanan
waxbadan u jiray Dowlada Hoose ee degmada Boosaaso.
Magaalada Boosaaso ayaa Caawa wararka Ceegaag.com ka helayso
Waxay sheegayaa in Ciidamada amaanka gobolkaasi bari Wadaa
Howl gal xoogan oo lagu sugayo amaanka magaalada Boossaaso
waxana kaloo gobolka ka socdo howl galo Ciidamadu ku
aruurinayaa dadka ka soo jeeda gobolada koonfureed oo
Maamulka puntland ku eedeeyey inay ka danbeeyaan amaandarada
taala gobolka bari.
Guud ahaanba Xaalada amaanka Magaalada Boosaaso ayaa noqotay
tusbax afka laga furay waxaana sii xoogaysanay falalka
amaandarad magaalada boosaaso ku soo badanaya Mudooyinka
waxba maamulka puntland haatan bilaabay Qorshe xoogan oo
amaanka wax looga Qabanayo.
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Hurufadhi
webmaster@ceegaag.com |