Sheekh
Tawakal oo dadka Soomaaliyeed ee reer Boston ku dhiiro
galinaya inay ka faa'ideestaan bandhig carweed buugaagta
Soomaalida oo wiigan yimid Boston
(Boston,
July 23,
2010 Ceegaag Online)
Hadaladii guubaabada ahaa ee sheekha waxaa ka mid ahaa
Dhagayso
Bandhig
carweed buugaageed oo ayaa maanta si rasmi ah uga furantay
Masjid Jaamaca Magaalada Boston ee carigan maraykanka.
Bandhig carweedka buugaag ta ayaa waxaa soo bandhigay
shirkada SCANSOM oo ah mida kaliya ee sida joogtada ah u
daabacda buugaagta Afkasoomaaliyeed ku qoran ama Soomaalida
la hadlaya ama kahadlaya.
Bandhig
Carweedka Buugaageed ayaa socon doona ilaa iyo Axada, wixii
intaa ka danbeeyana waa inaad sugtaa sanadka danbe markaa
barito oo sabti ah iyo Axada uun baad haysataa.
Hadaba
waxaa noo suuro gashay inaanu goobta bandhig carweedka
buugaagta kula kulanay Sheekh Tawakal oo markaa raadinay
buugaag caruurta far-soomaalida laga bari karo oo cusub
isagaa aad ula dhacsanaa buug cusub oo ay qortay Nasro
Sh.Xasan oo cinwaankiisu ahaa HIGAADA.
Nasro
Sh.Xasan
Sida aad
aragtid buugan wuxuu wataa xaashidaa oo ku moodhgaraysan Bac
oo ah mid raagasa caruurtuna ka faa'iidaysan karaan.
Caruurtaydana waan usoo ii biyay ee adna kuwaaga u iibi
aynuna u wada hiilino 'Afka Hooyo oo curuurtaada
Afsoomaali ku Ababi' (SCANSOM).
Eng.Xuseen Fiin
Boston
webmaster@ceegaag.com |