Siyaasiga
Ruugcadaaga ah ee Cali Khaliif Galaydh oo u til maamay
Soomaalida Reer St. Cloud inay soo saaraan Siyaasiyiin u
dhago nugul taageeraana
Tarryl Clark.
(St. Cloud.
Minnesota,
July 11,
2010 Ceegaag Online)
Cali khaliif ayaa yidhi ‘waa inaan
taageernaa Tarryl Clark oo tartamaysa Congress ka. Sidoo
kale Tarryl ayaa waxay sheegtay in haddii la doorto iyadda
iyo Gabadha kale ee u tartamaysa jagadda gudoomiyaha
gobolka Minnesota Margaret Anderson in arimaha Soomaalidda
ay geyndoonan “ Aqalka Cad”
‘Sidoo kale waxay sheegtay in dadka Soomaalidda iyo dadka
aan lacag badan shaqay san ay wax badan uga qaban doonto
xagga waxbarashada,guryaha iyo arimaha Socdaalka
(immigration) Tarryl Clark oo ah gabadh aad u maqasho marka
ay dadka Soomaalidda uga yeeraan shirarka ayaa waxaa
kaanbaynkan kala shaqaynaya dhaliyaro firfircoon iyo dadka
kale oo sumcad iyo magac ku dhex leh bulsha waynta
Soomaaliyeed.
Waxaa ka mid ahaa dadkii taageeray Maanta Profesor Ali
Khalif Galaydh, siddoo kale waxaa ka mid ahaa dadkii soo
dhaweeyay kana marqaati kacay sidda wanaagsan ee Tarryl
Clark ula shaqaysay Gudoomiyaha jaaliyadda Soomaalidda
Mohamud Mohamed ahaana xiriiriyihii shirka.
Tarryl oo ahaan jirta qareen u dooda dadka ninkeeduna
hadda ka shaqeeyo xafiiska (legal Aidka)ee caawiya dadka
dhibaatadda sharciga haysato ama aanan lacagta badan
shaqaysan, Tarryl ayaa waxay booska Senate kula tartamaysaa
haweenay ku caan baxday wax ka sheega Madaxwayne Obama
( Michele Backmann) Michele ayaa waxay ka tirsan tahay
xisbiga tallada wadanka hayn jirey ee Jamhuurigga, Michele
ayaa waxaa ay ka soo horjeedda waxyaalo badan oo Maamulka
Obama rabeen inay qabtaan sidda Caafimaadka,kana soo
horjeedda soo- gaalootigga.
Ali khaliif ayaa waxuu ku dhiiri galiyay dadka
Soomaalidda inay taageeraan Tarryl Clark oo balan qaaday in
dadka wax u qaban doonto. Iyaddoo dadkii meeshaan isugu
yimid ay xirnaayeen biladdo ay ku qoran yahay magaca Tarry
Clark. Waxayna ku balan qaadeen in ay taageeri doonaan.
Magaaladda St. Cloud Minnesota oo ah magaalo ay cadaanka
u badan yihiin ayaa waxaa badanaa ku tartama mar walba
labadda xisbi ee wadanka isu kala badala’.(Boocame)
Daawo
Sawirada
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |