Taliyihii Ciidanka Booliska gobolka Sool oo Xilkii laga
Qaaday isaga iyo Masuuliyiin kale
(Laascaanood,
July 26,
2010 Ceegaag Online)
Taliyihii Ciidanka Booliska magaalada Laascaanood taliyihii
Ciidanka Asluubta ee Jeelka gobolka Sool ayaa
gabi ahaantooda Xilalkii laga Qaaday, waxaana loo soo
magacaabay saraakiil kale oo ka soo jeeda gobolada kale ee
Maamulka somaliland uu kataliyo, lama oga sababaha keenay in
Masuuliyiintaasi Xilka laga Qaado lana soo magacaabo
masuuliyiin kale.
Taliyaha Qaybta ee booliska magaalada Laascaanood ee Xilka
laga Qaaday Maxamed saleebaan(gooni) ayaa lagu Wadaa inuu
masuul ka Cusub ku Wareejiyo ee Xilka loo soo magacaabay,
Xilka Qaadistan ayaa timid kadib markii Habeen ka hor
magaalada laascaanood laga siidaayey Qaarkamid ah
Maxaabiistii halkaasi ku Xidhnayd ee lagu haysta danbiyo
kala duwan.
Amaanka Guud ee Laascaanood ayaa Mudooyinka ahaa mid aad
looga dayrinayey Waxna gobolka ku soo badanayey falalka
amaandarad ah iyo Dilalka Qorshaysan ee lala beegsanayo
Masuuliyiinta gobolkaasi iyo dad rayid ahba.
Ali dhagjar
Ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |