Ugaas
C/laahi Ciise Nuur oo taageeray Shirkii dhawaan jaaliyada
beeshu ku Yeelatay Wadanka dibadiisa, isla markaana ka
hadlay arimo ka jira gudaha wadanka
(Boocame,
July 10,
2010 Ceegaag Online)
Waraysigii Ugaas C/laahi Ciise Nuur
Dhagayso
Ugaas C/laahi Ciise Nuur
oo kamid ah Isimada Soomaaliyeed isla markaana kamid ah
Isimada gobolada SSC ayaa shabakada Wararka Ceegaag.com uga
Waramaya shir balaadhan oo dhawaan Qurba jooga Beesha Xasan
Ugaasi ku yeesheen Wadanka dibadiisa gaar ahaan Magalaada
Minneapolis Shirkaasi oo Qurba jooga beesha Xasan
Ugaasi kaga hadlayeen Guud ahaan Xaalada beeshaasi kana soo
saareen go'aamo farabadan.
Ugaasi C/laahi Ciise Nuur oo ah Ugaaska Beesha Xasan
Ugaasi ayaa go'aamada shirkaasi Qurba jooga beesha xasan
ugaasi siwayn u soo dhaweeyey waxaan Ugaasi uu sheegay inay
Qurba joogtu gaadhay go,aam midaysan kana soo saareen Qodobo
lagu farxo.
Ugaaska ayaa intaasi raaciyey inay soo dhawaynayaa
go,aakaasi ay gaadheen Jaaliyada dibada ee Beesha xasan
ugaasi taageersan yihiina intooda joogta gudaha wadanka
somalia oo taageersan yihiin ugaaska ayaana sidoo kale
Ceegaag.com u sheegay in Jaaliyada dibadu Wax badan ka
Qabatay horumarka deegaanka beesha iyo Guud ahaanba ssc,
dhinacyada Waxbarashada Caafimaadka biyaha iyo Waxyaabo
badan.
Ugu danbaytii Ugaas C/laahi Ciise Nuur ayaa ka hadlay Arimo
Dhawaanka dhacay duleedka magaalada Boocame Waxana uu
Ugaasku sheegay inuu isagu yahay Ugaaska kaliya ee Beesha
Xasan Ugaas, Beeshuna aanay lahay labo ugaas Waxna uu
sheegay ugaas C/laahi inay Ugaasnimada u dhiibteen Guud
ahaan beesha haatana uu Wali sidii ugaas ugu yahay Ugaaska
Guud ee Beesha Xasan ugaas mudo dhan 17 sano.
Dhinaca kale Cuqaasha Culumada dhaliyarada iyo Qaybaha kala
Duwan ee Bulshada Beesha xasan ugaasi oo horay saxaafada uga
hadlay ayaa sheegay inuu ugaaska Beeshu uu yahay Ugaas C/laahi
Ciise Nuur, Ugaaska ayaa intii uu ahaa Ugaasnimada ka Qayy
galay shirar farabadan oo ka dhacay Wadanka gudihiisa,
isagoona lagu Yaqaano ugaas C/laahi ka shaqaynta nabada iyo
Hurumarka Soomaaliyeed.
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle.
Email
calidhagjar@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |