Wasiirka
Boostada iyo Isgaadhsiinta oo Ceegaag.com uga Waramaya in
Xukuumada Madaxwayne siilaanyo Diyaar u tahay Wadahadal ay
la gasho Cidkastoo kasoo horjeeda.
(Hargaysa,
July 29,
2010 Ceegaag Online)
Wasiirka Boostada iyo
Isgaadhsiinta Maxamed ibraahin Maxamed(Ataash)
Dhagayso
Kadib Markii Maalintii shalayto Madaxwaynaha Maamulka
Somaliland Axmed Maxamuud siilaanyo uu ku dhawaaqay Golaha
Wasiirada ee Xukuumadiisa ayaa shabakada Wararka Ceegaag.com
taleefoonka magaalada Hargaysa kula Xidhiidhay Wasiirka
Boostada iyo Isgaadhsiinta Maxamed ibraahin Maxamed(Ataash)
oo ka soo Jeeda gobolada SSC, Kana mid ah Qurba jooga oo
dhawaan dalka dib ugu soo laabtay.
Wasiirka ayaa Ceegaag.com u sheegay inuu aad ugu faraxsan
yahay Xilka loo magacaabay isla markaana ka shaqaynayo Guud
ahaan Nabad iyo horumarka gobolada uu ka soo Jeeda, Waxana
Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta C/risaaq intaasi
Raaciyey in Xukuumada Cusub ee Madaxwayne siilaanyo ku
dhawaaqay ee Wasiiirka ka yahay ay diyaar u tahay inay
Wadahadal la gasho Cid kastoo ka soo horjeeda siyaasada
Maamulka somaliland.
Wasiirka ayaana intaasi Raaciyey inay ka go'antay ka Wasiir
ahaa inuu diyaar u yahay inuu ka shaqeeyo horumarinta guud
ahaan gobolada uu ka soo jeeda, Waxa uu sheegay Wasiirka
Boostada iyo Isgaadhsiinta in aan loo baahnay dagaal danbe
dhaca isla markaana loo Baahan yahay in Wadahadal lagu
dhameeyo Waxkastoo jira.
Waa Wasiirkii ugu horeeyey ee katirsan Xukuumada Madaxwayne
siilaanyo oo Markii ugu horaysa ka hadlaya arimaha gobolada
SSC, isla markaana shaaca ka Qaada in Xukuumada siilaanyo
diyaar u tahay Wadahadal uu Madaxwayne siilaanyo ku
dhawaaqay Maalin ka hor.
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |