Soomaalida UK Ku
Nool oo Olole ugu Jirta Siideynta Lamaanaha
Ingiriiska
(London,
November 14,
2010 Ceegaag Online)
Waxaa isa soo taraya dadaalada ay wadaan
jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan dalka Ingiriiska kuwaasi
oo ay ku doonayaan inay qeyb weyn uga qaataan siideynta
lamaanah u dhashay Britain ee afduubka ay ku heystaan burcad
badeeda.
Hada waxaa ka socda magaalada Cadaado ee
gobolka Galgaduud ka socda dadaaladii ugu dambeeyay ee lagu
sii deynayo Lamaanaha u dhashay wadanka Ingiriiska, sida la
sheegay dadaaladan ayaa bilawday ilaa markii labadan lamaana
ay gacanta u galeen afduubayaasha.
Dadaaladan ayaa waxaa hada wada masuuliyiin ka tirsan
Maamulka Ximan iyo Xeeb, iyo aqoonyahano ku sugan gudaha
degmada Cadaado, kuwaas oo wada qoorshihii lagu sii deynayo
lamaanaha u dhashay wadanka Ingiriiska oo mudo ka badan
sanad gacanta ugu jira kooxo burcad badeeda Soomaali ah.
Midhaha
dadaaladii ay wadeen jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan
dalka Ingiriiska ayaa la goosandoonaa saacadaha inagu soo
aadan oo bislaan doona Iinshaa alaah.
Jaaliyadaha Soomaalida ee ku kala nool qeybaha kala duwan ee
dalka Ingiriiska ayaa waayadanba waday baaqyo codsi ah oo ay
u jeedinayaan kooxda burcad badeeda ee heysta lamaanahan oo
lagu kala magacaabo Paul iyo Rachel kuwaasi oo mudo ka badan
labo bilood afduub ay u heystaan burcad badeeda Soomaali ah
oo ku sugan xeebta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Masuuliyiinta jaaliyadaha Soomaalida ayaa si isdaba joog ah
baaqyadooda warbaahinta uga gudbiyey iyagoo ka codsaday
kooxda burcad badeeda inay si shuruud la’aan ah ku siidayaan
lamaanahan oo waayeelo ah isla markaana caafimaadkooda laga
deyrinayo.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in jaaliyada Soomaalida ee
London ay qabanqaabineyso mudaaharaad ka dhan burcad badeeda
heysta lamaanaha iyadoo la filayo in baaq ku saabsan
siideyntooda loo jeediyo.
Dowlada Ingiriiska ayaa soo dhoweysay dhaqdhaqaaqyada iyo
tallaabooyinka ay wadaan jaaliyadaha Soomaaliiyeed ee
dalkaasi ku nool ee lagu doonayo in lagu siidaayo labada
ruux ee dalka Britain u dhashay ee burcad badeedu heysato.
Dowlada Ingiriiska waxay horey u diiday dalab lacageed oo ka
soo baxay burcad badeeda kaasi oo ay ku tilmaantay dowladu
mid aan socon Karin.
Qalabka warbaahinta ee Soomaalida iyo kuwa kale ee ka
hawlgala dalka Ingiriiska ayaa labadii toddobaad ee u
dambeeyey ka hadlayey barnaamijyo ku aadan nolosha lamaanaha
ka dib markii todobaad ka hor uu booqday dhakhtar
Soomaaliyeed oo ka soo waramay xaalada caafimaad ee labada
ruux.
Dhakhtar Maxamed Xangul oo ahaa dhakhtarkii booqday
lamanaaha oo ah nin iyo xaaskiisa, ayaa walaac ka muujiyey
xaaladooda caafimaad, isagoo sheegay in labadooduba ay la il
daran yihiin xanuuno soo wajahay mudadii la heystey.
Walaac badan ayaa dunida oo dhan gaar ahaan bulshada
Soomaalida ka muujisay wararka ku saabsan heysashada sii
socota ee labadaasi ruux, waxaana jaaliyada Soomaalida ee
Ingiriisku ay si kulul u cambaareeyeen dalabka
madaxfurashada ee burcad badeeda ka soo yeeray.
Soomaali badan oo ku nool dalka Britain ayaa u arka in
heysashada lamaanaha Ingiriiska ay saameyn ku yeelan karto
maadaama ay yihiin dad magangelyo ka heley dowlada
Ingiriiska oo dalkeeda ku soo dhoweysay.
Waxaa sidoo kale arinta lamaanaha dhowaan baaqyo kala duwan
oo lagu dalbanayo in si shuruud la’aan loo siidaayo soo
saarey dowlada ku meel gaarka, maamulka Puntland iyo odayaal
dhaqameedka Soomaalida oo dhan.
Si kastaba ma jirto wax jawaab ah oo illaa hadda ka soo
yeeray kooxda burcad badeeda ee heysata lamaanaha oo aan ka
ahayn dalabkii hore ee ay ku dalbadeen lacagta madax
furashada ah oo ka badan $4 milyan.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |