Ciidamada Booliska Hargaysa oo Qabtay
nin Qarax Xoogan ka Gaystay Gudaha Magaalada Hargaysa oo
sababay ugu yaraan 9 Ruuxi oo dhaawac ah
(Hargaysa,
November 09,
2010 Ceegaag Online)
Ciidamada
Booliska Magaalada Hargaysa ayaa saaka Gacanta ku Dhigay nin
Maalintii shalayto Qarax ka Fuliyey Magaalada Hargaysa
Qaraxaasi oo Gaystay Khasaare farabadan ayna ku Dhaawacmeen
Ugu yaraan 9 Ruuxi oo la Geeyey Isbitaalka Guud ee Magaalada
Hargaysa.
Qaraxaasi ayaa Waxa Gaystay Daa’uud Nuur Faarax oo Bam
Gacmeed ku Tuuray Gaadhi uu lahaa nin ay Isku Qoys yihiin
Magaalada Hargaysa Gudaheeda Kadibna Maanta Ciidamada
Amaanku ninkaasi Gacanta ku soo Dhigeen, Bambkaasi ayaa
baa’biiyay gaadhigaasi oo ahaa Grande Waxna Qaraxaasi siwayn
looga hadal hayaa gabi ahaanba Magaalada Hargaysa ee Xarunta
Maamulka Somaliland.
Ciidamada Booliska Magaalada Hargaysa ayaa Maanta Wariyaasha
u shegay in Qaraxaasi ninka Gaystay uu Doonayey inu
Khaarajiyo nin Kale oo Isku Qoys ahaayeen Isla Markaana
Qaraxii u uga tagay Gaadhiga Dushiisa kadibna ka tagay, isla
Markiiba Qaraxasi uu dhacay, Waxayna Dhacdadani ka Noqotay
gabi ahaanba Mandaqada Mid layaab Leh.
Cali Dhagjar
Ceegaag.com
Buhodle
webmaster@ceegaag.com |