Gudigii Dhex Dhexaadinta oo Maanta Booqday Baliga Kalshaale
iyo Wararkii ugu danbeeyey
(Klashaale,
December 01,
2010 Ceegaag Online)
Iyadoo Maalintii shalayto Deegaanka Maygaagle laga
Dhawaaqay Gudiga ka kooban Saddex Qaybood oo isugu jira
Beelaha ka soo kala Jeeda Buuhoodle Bariga Burci iyo
Gudiga Dhex Dhexaadinta oo tiradoodu gaadhayso 65 Xuboo oo
ka 40 kamid ahi labada Beelood ka soo kala Jeedaa kana
Doodi Doonaan lahaanshiiyada Baliga Kalshaale iyo Deegaano
badana oo Labadani Beelood ku muran san yihiin, ayaa
Dhinaca Kale si Howshaasi haatan loo Bilaamo Gudiga dhex
dhexaadintu Maanta gaadhay Baliga Kalshaale oo ah Goobta
uu dhawaan Dagaalku ka dhacay.
Gudigaasi oo Hogaaminayey Gudoomiyaha Gudiga Dhex
Dhexaadinta Suldaan Cismaan Suldaan Cali ayaa kormeer ku
tagay Baliga Kalshaale oo labada Beelood ku muran san
yihiin iyo Deegaano Badan oo Maleeshiyaadka Bariga Burco
lagu sheegay inay Ciidamo farabadani soo Dhoobeen, Waxana
gabi ahaanba Baliga kalshaale Waftigu ku soo arkeen Cidla
iyadoona laga Qaatay Dhamaan Ciidamada Beeloodyadii
Deegaankaasi isku horfadhiye oo labada Beelood Ciidamadii
si rasmi ah u kala Direen Kadib Dhaartiin ka dhacday
Goobta Madashada shirka ee maygaagle.
Waxana haatan lagu Wadaa inay Bilaabaan Kulamadii Dooda oo
labada Beelood isku arki lahaayeen kagana Doodi lahaayeen
Baliga kalshaale, Waxana lagu Wadaa in Maalinta Barito ahi
ay Ergooyinku Goobtaasi isku arki Doonaan kagana Hadlayaa
Qaabkii Wagiga Saddexaadi u furmi lahaa, inkastoo Beesha
Buuhoodle Gudiga Arimahaasi loo Xilkaasay soo Jeediyeen
inaanay Goobta tagay Hadii aan Baliga Kalshaale la, aasin
taasi oo shirka ku noqon karta Mid adkaada hana Waxa
haatan Shirku ku socdaa Rajadii Guusha.
Shabakada Wararka Ceegaag.com Kala Soco Wararkii ugu
danbeeyey ee Mandaqada Guud ahaan gaar ahaana Shirka
Maygaagle.
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |