Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan
dalka Ingiriiska(UK) oo ku guulaystay siidaynta
Paul and Rachel Chandlers
(Muqdisho,
November 14,
2010 Ceegaag Online)
Waxaa afduubkii loo haystay laga
siidaayay saakay lamaanihii Ingriiska ahaa ee Paul iyo
Rachel Chandler kuwaasoo 23-Oktobar ee sano hore afduubteen
burcad-badeed Soomaaliyeed kuwaasoo ilaa xilligaas ku
haystay goob ku taal gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Paul iyo Rachel Chandler ayaa kasoo duulay saakay magaalada
Cadaado, iyagoona soo caga-dhigtay garoonka diyaaradaha ee
Muqdisho maanta duhurkii.
Diyaarad yar oo siday Lamaanaha u dhashay wadanka Ingiriiska
ee mudada lagu heystay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug kana
soo kicitintay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa
duhurnimadii maanta ka soo degtay Garoonka diyaaradaha ee
Magaalada Muqdisho iyadoo loo galbiyay dhinaca Xarunta
Madaxtooyada.
Inta
diyaarada ay saarnaayeen lamaanahaasi aysan ka soo degin
garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa jirtay diyaarad
kale oo garoonka ka soo degtay taasi oo la sheegay in ay la
socdeen ehelada lamaanaha Ingiriiska.
Markii lamaanaha
laga soo dajiyay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho
ayaa waxa la saaray gaadiid ay leeyihiin ciidamada AMISOM,
iyadoo xiligaasi kadibna loo dhaqaajiyay Xarunta
Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya halkaasi oo ay ku sugayeen
Ra’iisul wasaaraha dowladda Max’ed Cabadullaahi iyo
gudoomiayaha Barlamanka. Markii la geeyay
Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa halkaasi waxaa
ay kulan kula qaateen Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG
Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Max’ed iyo Gudoomiyaha
Barlamanka Shariif Xasan Shekh Aada.
Ugu horeyn ayaa
Ra’iisul wasaaraha oo halkaasi ka hadlay waxaa uu sheegay in
uu aad ugu faraxsanyahay sii deynta Lamaanahaasi, waxaana uu
tilmaamay in dowladda KMG Soomaaliya ay qeyb ka aheeyd
dadaaladii lagu sii deynayay lamaanahaasi.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Barlamanka
Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana uu sheegay in ay aad ugu
xunyihiin mudadii halka sano aheeyd ee Lamaanahaasi ay ku
afduubnaayeen dalka Soomaaliya, isagoo carabka ku dhiftay in
wax lagu farxo ay tahay dib u helida xoriyadooda.
Paul and Rachel Chandlers oo iyana halkaasi hadal kooban ka
jeediyay ayaa waxaa ay sheegeen inay aad ugu faraxsanyihiin
sii deyntooda, waxaana ay u mahad celiyaan cid waliba oo
gacan ka geysatay sidii ay xoriyadooda dib ugu heli
lahaayeen.
Saacadaha soo aadan ayaa la filayaa Lamaanahaani in ay ka
dhoofaan garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyagoo
ku sii jeeda Magaalada Nairobi ee xarunta dala Kenya.
Daawo Sawirada
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |