Nin aan kuu Furi doonini Yuu kuu Rarin:
(London,
November 06,
2010 Ceegaag Online)
Mahad
ILLAHAY baa leh Nabadgelyo iyo Naxariisina Nebigeenii
Suubanaa korkiisa ha ahaato CSW.
Tan iyo
bishii 2aad 2009kii waxaan in badan shacabka dhulbahante uga
digay cawaaqib xumada ka dhalankarta haddii talada
dhulbahante ay tuurta ku qaataan kuwo aan qaadi karini,
dhawaaqyadaa xog ogaalnimada ah iyo saadaashaa saxa ah dheg
looma dhigin, inbadan oo ka mid ah shacabkii dhulbahante
waxay la qool jeexday kooxdii waalayd ee xukunka iyo qaadku
madaxmareen,( hadii dameer malab la saaro miyuu og yahay in
uu malab sido)?
Inbadan
baan idhi war talada SSC kooxdan markay murqaamaan xuxunku
hormaraa maqaadikaraane ha laxidhxidho waayo qofkii waasha
in aanu naftiisa wax yeelin dadka kalena wax yeelin baa loo
xidhaa, kuwo qalinka laga dulqaaday baad miciinsateen saa
waagaa hortiina ka beryey.
Dhibaatadii aan labada sano ka digayey maanta waa marag
madoonto, horey lasanod baa SNM u qabsatay kooxda Nairobi
ilaa maalintii ay soo baxdayna intii kale bay fara ka
saartay, waataa maanta widhwidh ay ku damaashaadayaan
Somalidiidkii, waataa Buuhoodle dushiisa baraagaha
habarjeclo ka qodanaysa ee lagu dhiciwaayey, waataa
buuhoodle oo 21sano Somalidiidku fooda gelinwaayeen maanta
baraagaha laga dul qodanayo, waataa Fu’aad Aadan cade
qorilay ilaa Dharkayn ka khodbaynayo, waa kaas xaabsade
ilaa xuduuda mudug gaadhay waxa uu halkaa u joogaa waa
xuduudii baanu soo xidhnay,meeye kuwii Daa’uud Bisinle
xabadaynayey maxay xaabsade iyo Fu’aad u xabadayn waayeen
mise awalba iyagaa soo dirsaday, waxay u badan tahay in
awalba xaabsade iyo Fu’aad hogaanka la shaqaynayeen waayo
dhamaan raga hogaanku waxay ka soo jeedaan xubnihii hore ee
NSM iyo in wakiil ka ah(Buurawadal iyadoo shir dhulbahante
loo fadhiyo baa hore SNM u soo dirsatay AW DAAHIR oo guurti
ku sheegooda ka tirsan todoba maalmood buu halkaa joogay
shaqadii uu u yimi maalintaasina waata maanta aynu aragno
waxa ay dhashay), ninkii habeenkii Lasanod la qabsaday
hargeysa joogay goormuu is bedelay oo wadani noqday?
Haddii
beentii ay dhamaatay oo hubkii iyo lacagtii shacbka SSC
faraha ka saareen hogaan ku sheega lagu hungoobay,
hilbaysatada u tudhiwaayey dumarka iyo caruurta ay
janqeeyeen oo ay jeebkooda baadheen oo hadana weliba iyadoo
loo jeedo iyaga oo si hufan ula shaqaynaya SNM hadana shir
ay lacag ku urursadaan qabanaya, adduunka waa wax aan sheeko
iyo shaahid toona lagu maqal been la’ogyahay dad doonaya in
ay fagaare ka sheegaan.
Filanwaa
waxaa igu noqotay NSM oo widhwidh ku damaashaadaysa iyo
hungadii oo shacabka ku baadhanaysa shir deg deg ah
halaysugu yimaado, widhwidh baa la dulfadhiyaaye iyo ciidamo
baanu gelindoonaa, layaab maleh shacabka dhibani waayo
horey baa loo yiri nin buka boqol u talisay maalinba midbaa
sida shaydaanka meel iska soo madoobaynaya oo isu oohinaya,
waar barta beenta iyo ilmada yaxaaska ee lagu qadhaabanayo,
waar nin cadowga la shaqaynaya
baad
weliba lacag ugu daraysaan, kooxdani khiyaamo qaran bay
geysteen waana in lala xisaabtamo oo denbiga ay galeen aan
laga saamaxin, taas waxaa ka sii yaab badan kooxihii
qalishubatada ahaa ee ay qurbaha ka samaysteen oo weli
dadkii boobaya siiba dumarka iyo waayeelka.
Haddii
aynu nidhaahno nimankan budhcada ah xumaantooda dadka ha loo
sheego lama soo koobikaro waa (Dundumo Dhoobo ka Dhaq),
Hulqoow maantana
Maxaad
odhan, saacadii timaadaba haddii xumaantiina marageedu soo
baxayo, shaabka SSC inaad cadow u loogteena ay cadaatay in
aad walaalihiin iyo SNM u wareegtaan inta aan shacabku
ilkaha idin ku cunin ileen wax nafta idinka siiba idiin
quudhimaayaane sida aad u silciseen bay idiin silcindoonaan
maalin maalmaha ka mid ah.
Guul iyo
Gobanimo
Eng.
Maxamud caydiid Dirir
London
Ogow: Ceegaag
Masuul kama aha Figrada Qoraalka ee waamid ku kooban Qoraaga
ku Saxeexan.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |