Seminaar ku saabsan mide-ynta Haweenka
Soomaaliye-ed oo magalaada Muqdisho ka socda
(Muqdisho,
November 10,
2010 Ceegaag Online)
Hotelka Saxafi
ee magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay Seminaar ku
saabsan mideynta Haweenka Soomaaliyeed, waxaana
seminaarkaasi oo ay soo qabanqaabisay Hay'adda Wadahadalka
bulshada (CCD) ka soo qeyb galay Haween Xildhibaano ka ah
Golaha Baarlamaanka KMG ah, ururka Haweenka Qaranka,
ururrada haweenka G/Banaadir, xubno haween ah oo ka socday
NGO-yada ka howlgala dalka iyo haween ka socday 16-ka Degmo
ee gobolka Banaadir.
Munaasabadda furitaanka seminaarka
waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay madax ka tirsan
ururradac haweenka ee iyagu ka qeyb qaadanayay seminaarkaasi,
hase yeeshee waxaa halkaasi khudbadii u horeysay ka jeediyay
madaxa arrimaha haweenka Hay'adda CCD Sahra Maxamed Amiin oo
ugu horeyntii u mahad celisay ka soo qeyb galayaasha
seminaarka, iyadoo sidoo kale agaasinka Seminaarka uga mahad
celisay madaxda Hay'adda oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha CCD
Md. Ciise Axmed Cumar, waxayna ka qeyb galayaasha seminaarka
ku boorisay inay ka faa'iistaan waxyaabaha ay ka kororsadaan
seminaarkaasi.
Xildhibaanad Caasho C/llaahi Ciise oo
halkaasi khudbad ka jeedineysay ayaa sheegtay inay Hay'adda
CCD uga mahad celineyso howlaha iyo dadaalada ay ugu jirto
arrimaha nabad ku soo dabaalida dalka iyo seminaarada
qeybaha bulshada uga tashanayaan arrimaha dadkooda iyo
dalkooda, waxayna ka dhawaajisay in seminaarkaasi uu ku soo
beegmay xilli baahi weyn loo qabo sidii sare loogu qaadi
lahaa doorka haweenka ay ku leeyihiin dalka, waxayna sidoo
kale caddeysay in Xukuumadda KMG ah ay ku maqan tahay
xuquuqda haweenka, iyadoona madaxda sare ee dowladda KMG ah
ugu baaqday inay haweenku helaan saamiga ah ku leeyihiin
dowladda, oo ay sheegtay in taasi ay ku timid gaabiska ku
yimid haweenka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo
Caasho Cumar Gesdiir oo halkaasi ka jeedisay khudbad
dhinacyo badan taabaneysay ayaa ka dalbatay ka qeyb
galayaasha seminaarka in muddo shan daqiiqo ah loo istaago
labadii gabdhood ee lagu dilay magaalada B/Weyne oo ay
sheegtay in si xaq darro ah lagu dilay, iyadoona kaddib
eheladii ay ka geeriyoodeen loo duceeyay, waxayna ku talisay
Marso Caasho in dhibaatooyinka dumarka heysta ay uga bixi
karaan oo kaliya iyagoo isku duubnaada, si ay markaas kaddib
ugu istaagaan inay xaqooda soo dhacsadaan iyadoo sheegtay in
ururkeedu dadaal ugu jiro baadi doonka xaasaska
Xildhibaanada ay isaga kaashadaan arrimaha lagu horumarinayo
haweenka iyo midnimadooda.
Dhinaca kale Ruqiyo Cali C/lle oo ah Guddoomiyaha ururka
haweenka dalladda ururrada bulshada G/Banaadir ayaa iyana
halkaasi ka jeedisay khudbad kooban oo qiiro gelisay ka qeyb
galayaashii Seminaarka ayaa sheegtay in Haweenka
Soomaaliyeed ay yihiin kuwo tiir dhexaad u ah bulsho kasta,
sidaasi darteedna wiilasha maanta dhibaatada ka wada dalka
ay dhashay, u dhaxday lana dhalatay Haween, waxayna ka
dalbatay haween kasta inay gogosha ku banneeyaan raggooda
haddii ay ka diidaan inay dagaalada iyo dhibaatada joojiyaan,.
"Dahabshiilkeena ayaan ka xiraneynaa ragga haddii ay naga
diidaan inay dagaalada joojiyaan".
Seminaarka ku saabsan mideynta HAweenka Soomaaliyeed waxaa
kale oo khudbad ka jeediyay Afhayeenka ururka midnimada
haweenka Soopmaaliyeed Canab Xasan Cilmi, Faadumo Aadan
Cosoble, iyo xubno kale, hase yeeshee haweenka ka qeyb galay
seminaarka oo tiradoodu gaareysay in ka badan 100-haween ah,
ayaa halkaasi ku qaatay casharo ku aadan qaabka haweenka
Soomaaliyeed ay u midoobi lahaayeen, haddii ay midoobaan
natiijada ay gaari karaan iyo su'aalooyin ku saabsan
mideynta haweenka, waxayna ka qeyb galayaashu soo jeediyeen
afkaaro iyo talooyin ku aadan midnimada haweenka.
Xigasho: Calayaale
webmaster@ceegaag.com |