Goobta Wayn ee loogu tala galay Wadahadala Lagu
Dhex Dhexaadinayo Beelaha ka soo kala Jeeda
Buuhoodle iyo Bariga Burco ayaa Maanta Waxa ka
Furmay Wajigii labaad ee Wadahadalada Labada
Beelood kadib Dhaartii Xubnaha labadaasi Beelood
laga Dhaariyey Maanta galinkii Danbe intii uu
halkaasi ka socday Shirkaasi dhex dhexaadinta
Labada Beelood lagu Heshiisinayo oo Maanta
Hoolka Nabada si rasmi ah uga Furmay oo uu Furay
Gudoomiyaha Ergada Nabad Raadinta Suldaan
Cismaan Suldaan Cali Suldan Madar oo Goobta ka
soo Jeediyey Khubado ku aadan Furintaanka shirka
Ugu horayna Waxa Halkaasi laga soo Jeediyey
Khubado Farabadan oo Wacdi ah oo ku saansan
Colaada labadani Beelood Dhextaala iyo Qaabka
ugu Wanaagsan ee Colaadaasi Meesha loogua saari
lahaa, laguna Gaadhi lahaa Nabad Waarta oo Caab
ah oo gaadha Deegaaka oo Dhan.
Suldaan Maxamed Xasan Ibraahin ayaa intaasi
kadib Madasha ku soo Dhaweeyey Labo Xubnood oo
katirsan Labada Beelood oo goobta kaga Dhawaaqa
inay Nabada Qaateen kana shaqaynayaa isla
Markaana ka Hadlaya Dareenkooda, Waxana Dhinaca
Buuhoodle hadalka loo Wakiishay Caaqil Abdi
Samad Cali Xasan oo ugu horay goobta ka sheegay
inuu tacsi u dirayo Dhamaan Dadkii ku
geeriyooday Dagaalkii ka dhacay Baliga Kalshaale
Waxa uu Caaqiku goobtaasi ka sheegay inay
Dhinacooda Reer Buuhoodle ahaan Nabada Diyaar u
yihiin kana shaqaynayaa Guud ahaan Nabad
raadinta Mahadna u Celinayaa Ergooyinka Yimid
goobta.
Caaqil Abdi Samad Cali Xasan
Dhagayso
Maggaagle.