Talo Waa Mar aad Garanweydo iyo Mar
aad Gaadhi weydo
Mahad ILLAAHAY baa
leh Nabadgelyo iyo Naxariisina Nebigeenii Suubanaa ha
ahaato SWWC.
Akhristayaasha
Qiimaha iyo Qaayaha leh ee nagala socda daafaha dunida
waxaan u soo gudbinayaa Salaan qiimo leh ASCW.
Sida aad warbaahinta
Soomaalida ka aragteen waxaa todobaadkan wareysi bixiyey
Prof. Ali Khaliif Galeyr, waraysiga oo dhinacyo badan
taabanayey cali waxa uu aad ugu tuuntuunsaday dulucda
wareysiguna ahaa SSC.
1-Su’aalaha
iswaydiinta mudani waxaa weeye cali weligii kama hadlin
dan dhulbahante ama SSC ilaa maalintii uu mucaaradka ku
noqday dawladii kacaankii Maxamed Siyaad Bare, amase
xiligii uu Ra’iisal Wasaaraha Dalka Soomaaliya ahaa maxaa
ku hadliyey maanta oo uu TV u soo fadhiistay?
Aan idin xusuusiyee
Prof. Cali hore waxaa laga hayaa xiligii uu Ra’iisal
Wasaaraha ahaa in uu yidhi (anigu tol dhalasho malihi
ee tol siyaasadeed baan leeyahay), waa xiligii uu
sheegtay in uu mudulood yahay.
2- haddii cali hore
looga hayo waxaas oo dhan goormuu tol noqday? oo SSC
xusuustay, haddii xiligii dawladii Maxamed Siyaad Bare
ALLE ha u naxariistee ee reeraha kale tashanayeen uu garan
waayey in uu keeno talo tolkii ku meel maro uuna door
biday in uu reero tashaday daba galo, waad wada
xasuusataan in uu ilaa shirkii burco ilaa Boorame joogay,
goormay u muuqatay in tolkii talo u baahan yahay? Kaba
sii darane shirkii imbegati xiligii uu gebogeboda ahaa
cali wuxuu damcay in uu la loolamo Cabdillaahi Yusuf,
nasiib daro cabdillaahi wuxuu haystay taageerada Puntland
maamul ahaan iyo ta tolkiiba reer ahaan cali se wuxuu
damcay in uu dhulbahante Isimadiisa Garaad C/qani kala
boxo inta kalena baal maro, weliba isaga oo aan wax talo
wadaaga ah la yeelan shacabka, waxgaradka iyo
siyaasiyiinta SSC u dhalatay midna, guul daraase ka
raacday diyaaradii Garaad C/qani uu u soo diray markii loo
diiday in ay soo caga dhigato carro Puntland, kadar oo
dibi dhal xilligii lagu caanashubayey G Jaamac G cali Gleyr
isaga oo diyaarad ku sita buu kala soo degay Laascaanood
wuxuuna sameystay ciidan beeleed aanu cidna kala tashan
xataa beeshiisa siyaasiyiinteeda inta aanay isku aragti
ahayn, wuxuuna doonayey in uu isagu maamulo madasha
canashubka, waxaase garbiyey Ina Xaabsade oo ahaa
wasiirkii arihamaha gudaha ee puntland oo iyadu xilligaa
maamulaysay Laascaanood, cali oo guuldaro halkaa kala
huleelay wuxuu kulamo badan qurbaha kula qaatay G Jaamac,
waxay isla qaateen wax la yiraahdo harti nacayb waxay kale
oo isla qaateen in loo hawl galo sidii Dhulbahante iyo
Harti loo kala goyn lahaa.
Wuxuu gaaf wareegaba
cali maalintii doorasha puntland uu ku guul darraystay
xaglatoosiye ee G Jaamac Buuhoodle kaga dhawaaqay in uu
Puntland ka baxay waxaa u muuqatay cid uu ku guurikaraa in
ay fagaaraha siyaasadda ku soo biirtay, meel kasta oo
garaad jaamac galo iyo xaglatoosiye cali waxa uu ahaa
diirada hagaysay, hadii aynu dib u eegno wadiiqooyinkii
cali maray waxaa inoo cadaanaysa G Jamac iyo prof. Cali
in ay mudo ka shaqeynayeen halkii ay ka baneysanlahaayeen
siyaasada Dhulbahante, xitaa shirkii 21/10/2007 Garaadku
ku dhawaaqay in Lascanod lagu qabto cali waxa uu ahaa
maskaxda ka danbeysay abaabulkaa inkasta oo aanu isa soo
banaan dhigin.
Cali waxaa weeye
maskaxdii ka danbaysay abaabulkii lagu guuldaraystay ee
shirqoolkii Nairobi ee ay ka dhalatay jabhadii HMB ee
Dawlada u xuubsiibatay, wuxuu Woqooyiga America ka soo
diray Faarax Gedle oo ahaan jiray gacan yarihiisii
xilligii uu Ra’iisal wasaaraha ahaa, faarax markii shirkii
dhamaaday wuxuu u soo qalab qaatay qurbaha siiba UK iyo
Waqooyiga America isagoo wata book uu ku magacaabay wixii
shirkaa ka soo baxay mar uu faarax la hadlayey Jaaliyada
London waxa uu sheegay in shirkani ahaa (the most
transparent and accountable), cali xiligii shirka
abaabulkiisu socday wuxuu kulamo badan ku qabtay Nairobi
habeenkii taariikhdu ahayd –15/09/09 wuxuu shir albaabadu
u xidhan yihiin oo gaadhay ilaa saqdii dhexe la qaatay
kooxda Nairobi oo uu ka maqnaa maxamed cabdi xaashi, waxaa
ka xumaaday oo aan loo sii sheegin in cali khaliif imanayo
G Abshir (muxuu cali na doonayaa baa Garaadku yidhi Garaad
wuu ina soo salaamay baa loogu jawaabay), saxaafadana
shirkaa waa loo diiday.
Cali shirkaa wuxuu
ku soo bandhigay qorshe inkasta oo aan lala qaadan wixii
cali sheegay oo dhan sababtuna waxay ahayd dhalinyarada
shirka abaabulkiisa waday ee hawlwadeenada looga dhigay
looma sheegin cida ay u shaqaynayaan in ay tahay cali,
qorshayaashii cali soo bandhigay waxaa ka mid ahaa in uu
codsaday in guurtida shirka imanaysa lagu daro rag 8 ka
kooban oo uu isagu wato oo u badan horgalada
Soomaalidiidka badankooduna aan xilal ka hayn ee u adeega,
waxaa kale oo uu sheegay in ay kooxda qaban qaabadu xil
iska saaraan oo keliya sidii ay halkaa maamul ugaga
dhawaaqilahaayeen meelmarinta maamulkaa, aqoonsigiisa iyo
dhaqaalihii uu ku shaqaynlahaana isaga loo daayo.
Cali wuu is hayn
kari waayey maadaama uu arkay wixii uu soo abaabulay in ay
dumeen, intii wareysigaasi socday cali ma soo hadal qaadin
inaba dadkii dedaalka u galay in SSC aanay wax dulmi ah
qaadan dibad iyo gudoba mana soo hadal qaadin ololihii
siyaasadeed ee NSUM ku qaaday Soomaalidiidka caqabada
koowaadna ku noqotay ilaa iyo 2008kii in aan wax citiraaf
ah la siin, una bandhigay Caalamka in Soomaalidiidku
yihiin qabiil ka mid ah qabaa’ilka dega Woqooyi doonayana
in ay inta kale afduubaan.
Sanooyinkii badnaa
ee cali USA ku noolaa Soomaalidiidkuna ololaha siyaasadeed
ka wadeen cali maalina isma hortaagin weliba isaga oo
fursado badan haystay, xiiligii uu Ra’iisal Wasaaraha ahaa
weli lama hayo meel uu kaga hadlay ama kelmed taageero ah
ugu gaystay shacabka dhulbahante, cali maanta dantiisii
baa sakal gashay.
Ilaa iyo sanadkan
bilowgiisii marar badan buu cali werysi siiyey warbaahinta
marwalba waxa uu soo qaataa in loo baahanyahay in
Soomaalidiidka la ictiraafo waxaana uu sabab uga dhigay in
dani ugu jirto Soomaalida, waxa kale oo uu sheegay in
shirarka Soomaalida loo qabanayo Soomaalidiidka lagu
qabto.Wareysigiisii ugu danbeeyey cali waxa uu amaanay
Cismaan Kalluun socdaalka uu ku tegay Hargeysa iyo weliba
in rag kale uu sugayo in ay tagaan, waan ognahay Cali,
Siilaanyo iyo Cismaan waa saaxiibo, waxayna u badan tahay
in ay London todobaadkan ku kulmayaan. Todobaadadii la soo
dhaafay Cali wuxuu London kula kulmay rag ay isku raas
yihiin kulankaas oo G Jaamac ka qaybgaley waxaa kulankaas
garaadku ka sheegay in uu SSC isagu sameeyey loona baahan
yahay in Dhulbahante u daba fadhiisto arimaha SSC,
Maalintii kooxda la baxday wakiilada hogaanka ee London ay
lakulmayeen Madaxweyanaha ismaamulka Soomaalida Itoobiya
Cali Taleefan buu kula soo hadlay haseyeeshee telefoonkii
cali waa lagu dhigay iyada oo kooxdii u shaqaynaysay ay
maqlayaan.
Waa loo baahnaa qof
leh waaya aragnimada siyaasaddeed ee cali in uu SSC u soo
baxo hase yeeshee maaha meesha cali ka miisayo mid
keenikarta guul iyo in SSC shacabkeedu ka baxaan dulmiga
lagu hayo oo dhinacyo badan ka socda.
Cali waa aqoon yahan
dhanka siyaasadda ah waxay ahayd in ay ukala soocan yihiin
ka mid ahaanshaha Dhulbahante ee Puntland iyo dulmiga uu
Dhulbahante ka tirsanayo Puntland, Dhulbahante wuxuu wax
ka samaystay Puntland wuuna ka mid ahaandoonaa ilaa wada
tashi buuxa waxgaradka Dhulbahante ka yeeshaan ka mid
ahaanshaha Puntland, Soomaalidu waa reero ilaa la helo
dawlad damaanad qaada dalka dhamaantii baahidii Puntland
loo aasaasay way jiraysaa.(cilmiga ha laguu dhigee
caqligaa lala kaashadaa) aqoon keligeed wax ma tareyso,
waxaad kale oo cad cali in xitaa ajaanibtu ka odorosi
ogtahay xaalka Dhulbahante uu maanta ku sugan yahay hadii
aan talo mug weyn lagu salayn in ay keeni karto dagaal
sokeeye ama kala qaybsanaan abadi ah. shakhsiyaad ku
hungoobay madaxtinimada Puntland Dhulbahante kama
saarikaraan Puntland, waa run takrifal fara badan oo
dhinaca xukunka ahi wuu ka dhacay Puntland denbiga ugu
wayna waxaa leh madaxdii Dhulbahante ee ka mid noqotay
Puntland(geel jire geela waa wada jirtaa waana kala
jirtaa) ama( ninkii seexdaa sicii dibi dhalay),
dhibaatada dhulka iyo dadka SSC gaadhay waxaa badankeeda
ka masuul ah Maxamed Cabdi Xaashi oo weliba ka mid ah
abaabulayaashii shirqoolkii Nairobi.
Haddii in yar aynu
taariikhda dib ugu noqono xilligii uu Cali mucaaradka ku
ahaa dawladii ALLE ha u naxariistee Maxamed Siyaad Bare
ee ay jireen jabhadihii saddexda ahaa(SNM, SSDF, USP) Cali
marna ma mucaaradin weliba wada shaqayn buu lalahaa SNM,
wuuna garan waayeyey reeraha is hubaynayaa waxay duulaanku
yihiin dadkaaga.
Cali waa nin sida
saxansaxada u uriya shirarka xisaab sax ahna aan isu gayn
Karin oo soo saarikarta waxa uu doonayo, maaha bahal karti
uu wax ku goosto leh tusaale ahaan xiligii uu Ra’iisal
Wasaaraha noqday Daarood dhamaan baa aad ugu faraxsanaa
wuuse gabay wixii looga fadhiyey SSC oo uu wax taro iska
daaye wuxuu qorikari waayey Wasiir Dhulbahante ah C/qaasim
oo madaxweyne ahaana waxa uu qoray 5 Wasiir oo Habar gidir
ah, mar la weydiiyey wuxuu ku jawaabay tayda ma idiin
googooyaa!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!, wuxuu sababay in
Kismaanyo C/qaasim reerkiisu qabsadaan, Qanyare oo keliya
intii uu u siiyey in uu garoon diyaaradeed ku dhisto ayaa
SSC oo dhan ku filayd kana difaacilahayd in la qabsado.
Farqiga fahamka
Siyaasaddeed ee ani iyo Cali aanu ku kala duwanahay
akhristow waxaa weeye xilligii cali sacabka u tumayey
jabhadaha magaca reeraha lagu aasaasay anigu waxaan
cadeeyey in aan wax dan ahi ugu jirin dadka iyo dalka
Soomaaliyeed oo ay horseed u yihiin sidii dalka
Soomaaliyeed loo burburinlahaa cadowgii ummada
Soomaaliyeedna ay dhabarka saareen oo ay taakulayn ka
helayaan, hadalkaas waxaan isaga oo wareysi ah siiyey
laanta Afka Soomaaliga ee BBC bishii Augest sanadkii 1989,
waxaa kale oo aan wareysiga ku soo qaaday in Maxamed
Siyaad ALLE ha u naxariistee haddii ay daacad ka tahay in
uu doonayo in uu xukunka wareejiyo uu cid ku meelgaadh ah
oo dalka hanankarta dalkana doorasho xor ah gaadhsiisa in
uu u dhiibo.
Caliyow waa laguu
baahnaa mudo aad u dheer hase yeeshee xalku kuma jiro laba
qof oo ku guul daraystay tartankii doorashooyinka Puntland
in aad dhinaca saarto oo aad indhaha kalaliso waxgaradka,
isimada iyo siyaasiyiinta doonaya in ay si miyir qabta uga
saaraan SSC dhibta haysata xoriyada dhulkana soo celiyaan.
Guul bay ahaan lahayd haddii Cali xilligii shirqoolku
socday Cali shir Dhulbahante u bedelilahaa, wada tashi
balaadhana la yeelanlahaa waxgaradka iyo aqoonyahaniinta
SSC uuna la kaashanlahaa gaadhista lato mug leh oo laysku
raaco ( madax madow iyo mindi saawir ah midna lagama
quusto) Caliyow Dhulbahante shir buu isugu imandoonaa
goor aan fogeyne wixii aad hayso halkaa keen, danta guud u
soo deg oo taada gaarka ah jooji, inkasta oo aanan
garaneyn sida looga soo kabanayo dhibaatada aad geysatay
dhawrkii sano ee la soo dhaafay ha ugu daraato dhibaatada
dhaqanka ee aad axmed garaad dhexdhigtay, dhulbahante waxa
uu lee yahay 13 isim siyaasiyiin badan iyo aqoon yahanoba
hal isim oo aad laqool jeexdaana uma go’aaminkaro.
Caliyow markaad gaadhi lahayd maad garan.
Guul iyo gobanimo
Eng. Maxamud Caydiid
Dirir
Essa Ahmed Mohamed
soofebuuhoodle@hotmail.com
London