Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka Bada ee
Puntland oo Hogaaminayey Wafti Balaadhan oo ka socday
Maamulka Puntland oo Isugu jira Galaha Wakiilada Xukuumada
iyo Isimada Puntland ayaa Shabakada Wararka Ceegaag.com
siiyey Waraysi Khaas ah oo kaga hadlaya Waxyaabaha uu ku
saabsan yahay safarkooda Buuhoodle iyo Waxyaabaha uga
Qabsoomay intii Gobolka Cayn ku sugnaayeen Waftigaasi
Balaadhan.
Wasiirka ayaa Shabakada Wararka Ceegaag.com u sheegay u
Jeedada Safarkoodu la Xiriiray inay ka Qab Qaataan Dhex
Dhexaadinta Beelihii Dhawaan ku dagaalamay Baliga
Kalshaale Waxa uu Wasiirku sheegay in Wafti Balaadhan oo
isimo ah oo ka socotay Puntland kulamadaasi ka Qayb galeen
Waxana Wasiirku sheegay in shirkaasi Maamulka Puntland ka
Qayb Qaatay dhaqaalaha ku baxaya Qayb ahaan kulamana la
Qaateen Waxgaradka Buuhoodle oo kala hadleen in la damiyo
Colaadaasi Halkaasi ka dhacday.
Wasiirka ayaana Meesha ka saaray in ay Wadaan inay kala
fur furaan Waxgaradka Buuhoodle Waxana Wasiirku sheegay in
Wararkaasi lagu daabacay Qaarkamid ah Warbaahintu yihiin
kuwo ka Fog Xaqiida Waxana uu ugu baaqay Websedyada
Caadaystay Wararka Beenta ah inay Arimahaasi ka Waan
toobaan, Maxamed Faarax adan Wasiirka Kalluumaysi ayaana
ugu danbaytii ugu baaqay Beelaha Walaala ah inay ka
shaqeeyaan Guud ahaan Nabada iyo Hurumarka Deegaanka.........
Cali Dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle...
webmaster@ceegaag.com