Waxbarashada Dadka Waa Wayn iyo Dhalinta Yar yar Diini iyo
Maadi ah oo laga Hirgaliyey Magaalada Ceegaag.
(Ceegaag,
November 02,
2010 Ceegaag Online)
Iyadoo
Dhawaan Magaalada Ceegaag soo gaadheen Koox Culumo ah oo ka
soo Qali jabisay Macadyada Gobolada Dalka somalia Qaarkood
ayaa Culumadaasi haatan Magaalada Ceegaag Waxay ka Bilaabeen
Daruusdiini ah oo Wax lagu Barayo dadka Waa wayn iyo Kuwa
yar yarba oo Magaalada Ceegaag laga Bilaabay gaar ahaan
Dugsiyada Waxbarashada ee Degmadaasi Ceegaag Waxayna
Culumadaasi Degmada ka Diiwaan Galinyeen Dhamaan Dadka Waa
Wayn iyo Kuwa yar yar ee Doonayaa Waxbaarshada Diiniga ah
iyo Maadiga oo haatan ka socota Magaalada Ceegaag siwayn.
Shabakada
Wararka Ceegaag.com ayaana Booqasho ku tagtay Degmada
Ceegaag oo Waxbarashadu siwayn uga socoto Waxana Culumadaasi
Shabakada Wararka Ceegaag.com u sheegeen inay Dadwaynaha
Degmada Ceegaag u Bilaabeen Waxbaarshada Diiniga ah iyo tan
Maadiga ah oo Bilaasha ah Waxana Maxamed C/qani Macalin
faarax oo Culumadaasi hormuud u ah Shabakada Wararka
Ceegaag.com u sheegay inay Waxbarashada Diini ah ee ka
bilaabeen degmada Ceegaag iyo Faafinta Diinta islaamka
Baraarujunta iyo Wacyigalintuba tahay Mid Bilaasha ah oo
Lacag la,aan ah oo Dadka degmada Ceegaag Wax lagu Barayo oo
loogu baaqayo inay ka faaiidaystaanh Waxbaarshadaasi.
Talaabadan ay
Culumadu ka bilaabeen degmada Ceegaag ee Qaybaha kala Duwan
ee Bulshada Ceegaag Wax lagu Barayo ayaa Waxaa siwayn u soo
Dhaweeyey Guud ahaan Waxgaradka Degmaad Ceegaag oo Hanbaliyo
u Diray Jaaliyada Beesha Ceegaag oo iyagu imaanshiiyaha
Macalimiintiitaasi Kaalin ka Qaatay, gaar ahaa Gudoomiyaha
Jaamacada Nugaal Prof C/risaaq Maxamed Aadan (Lafoole).
Daawo Sawiradda
Cali
dhagjar
Ceegaag
webmaster@ceegaag.com |